Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka AMISOM, ayaa maanta howl- galo amniga lagu adkeynayo ka sameeyey deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay.
Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle Maxamed Sheekh Cabdullahi, ayaa sheegay in howl-galka maanta lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay in ay falal amni daro ah ka wadeen deegaanada Awdiinle.
Maxamed Sheekh Cabdullahi waxa uu sheegay in dadkaan la tuhunsan yahay baaritaan lagu sameyn doono, iyadoo ciddii aan dambi laheyn la sii deyn doono, qofkii lagu helaa tuhunka lagu soo eedeeyeyna la marsiin doono sharciga.
Guddoomiyaha Awdiinle waxa uu sheegay in dhowaanahaan ay soo kordhayeen falal amni daro ah oo ay geysanayeen kooxo dhalinyaro ah oo qaarkood lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin maleeshiyadka Shabaab.
Daafeet.Com