Masuliyiin ka tirsan Qaramada midoobey oo sheegey in loo bahan yahay lacag dheeri ah si wax loogu qabto Somaliya

0
37

qaramadaMasuuliyiinta ugu sar-sareysa hay’ada dhanka Bini’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahan yahay lacago dheeraad ah oo wax looga qabto arimaha Bini’aadanimada ee ka taagan dalka Soomaaliya, gaar ahaan caruurta.

Philippe Lazzarini ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaalo gaaraya 20 Milyan oo doolar, oo wax looga qabanayo dadka ku dhibaateysan wadanka kasoo kabsanaya dhibaatooyinkii soo maray, waxaana dhaqaalahaasi la sheegay in si gaar ahaaneed wax loogu qaban doono caruurta Soomaaliyeed.

Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in Soomaaliya ay heyshay qoondadii ugu badneyn ee dhanka dhaqaalaha gargaarka oo gaaraya 72 Milyan oo doolar.

Masuulkan ayaa dhawaan booqday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana uu sheegay in arimaha bini’aadanimada wali inay ka taagan yihiin gobolka Jubbada Hoose.

Daafeet.Com