Maxamuud Sayid Aden”Gedo oo aan Kismaayo la socon,ma jirto meel kale oo aan u riixayo(Dhageyso)

1
37

sayid

 

 

 

 

 

Maxamuud Sayid Aden oo ka mid ahaan jirey Xildhibaanadii Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya, haatana ah Madaxa Howl gelinta Ciidamada Gobolka Gedo oo Wareysi dheer siiyey Warbaahinya wadajir ayaa ka haley arimo badan oo ay ka mid yihiin Booqasho dhowaan uu ku tagey Baydhabo oo warbaahinyta qaar keed ay u fasirteen inuu halkaasi u tagey wada xaajood ku saabsan sidii Gobolka Gedo uu uga mid noqon lahaa Maamul Goboleed la baxay Koonfur Galbeed oo la doonayo in ay ku midoobaan Gobolada Bay,Bakool,Gedo iyo Sh/hoose,waxaana uu sheegay wararkaasi in ay yihiin kuwo been ah.

“Sababta aan u tagney aniga iyo madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxay a xariirtey xaflad loo qabanayey Ciidamada itoobiya ee ka baxay Baydhabo,mana jiraan wax maamul Goboleed ah oo aan ka hadalney,fikirkeygana waa in la israaciyo Gedo iyo Jubooyinka ,balse midka Axmed Madoobe uu madaxka ka yajayna ma ahan mid la isku raacsan yahay ayuu yiri Maxamuud Sayid oo aad uga careysan warar lagu baahiyey  Websityada Qaar.

Maxamuud Sayid Aden ayaa sheegay sababta ciidamada Itoobiya ay uga baxeen Baydhabo in ay la xariirto sidii ay gacan noogu siin lahayd dib u xoreynta deegaanada kale ee ka maqan Gacanta Dowlada oo labada Dowladoodba ay horey ugu heshiiyeen, isagoona meesha ka saarey in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan deegaanada kale ee ay kaga sugan yihiin Gobolada Gedo iyo Bay.

Maxamuud Sayid oo la weydiiyey sida uu u arko khilaafka ka taagan Juboland iyo dagaaladii ka dhacay Kismaayo ayuu sheegay inuusan aqoonsaneyn wax Jubboland la yiraahdo, isla markaana ayan jirin meel ay ka shaqeyso, waxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii ka dhacay Kismaayo oo uu mas’uuliyadooda dusha uga tuurey Maamulka Axmed Madoobe.

Hadalkani ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay duulaan ku yihiin deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo, Bakool iyo Bay.

Halkan ka dhegayso waraysiga

MSA

Daafeet.Com

 

1 COMMENT

  1. Waxaa wax laga xumaado ah in muslimiinta ha noqdeene Carab ama cajami in si fududu ay qaataan ereyada nasaarada iyo yahuudda ay ku xumeeyaan musliinta siiba kuwa ka soo horejeeda mabda’ooda ama fikirkooda, tusaale Ikhwaanka Masar waxaa ilaa hadda afka bixi la’yahay si dimuqraadiga ayaa nala doortay, maxaa ka dambeeyayna inqilaab oo lagu tilmaamay in irhaabta akhwaanka ay halis u tahay u masar oo caalamka ka goysay xiriirkeeda, haddaba waa tee demoqraadiyadda ay gaaladu u yaqaaniin iyo kii ikhwaankana waa noocma, haddaba iska daaya ereyada sida qunyar socod,argagixiso, xagjir iwm. diintu waa cadahay yaa nalagu abuurin fikradaha i haana u ah diinta iyo islaamka.

Comments are closed.