Guri ku yaala Degmada Wadajir oo ay Alshabab Miino ay diyaarinayeen kula qaraxdey

0
38

qaraxQarax xooggan ayaa salaaddii subax ee saakay wuxuu ka dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka degmadaas ay sheegeen inuu ahaa qarax lagu diyaarinayay gurigaas.

Laba qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay, dhowr kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qaraxaas , iyadoo burbur xooggan uu gaaray gurigii uu qaraxu ka dhacay.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow xerada Xalane oo talis u ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay sheegayaan in qaraxu uu ahaa mid xooggan.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir, Macallin Maxamuud Saney oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkii gurigaas ku sugnaa ee qaraxa ka badbaaday loo waday saldhigga, ayna baaritaanno xaqiijin ah ay wadaan.

Daafeet.Com