Hindise sharciyeedka duulista rayidka iyo saadaasha hawada oo laga dooday

0
55

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday akhrinta koowaad ee hindise-sharciyadeedka duulista rayidka ah iyo saadaasha hawada ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaalia ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay hindise-sharciyeedka, isagoo tilmaamay in 31-ka December ee sanadkan ay wasaarraddiisu la wareegi doonto hawada Soomaaliya, horraanta sanadkan cusub ee 2014-kana hawada dalka laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Ciilmooge wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in hawada Soomaaliya laga maamuli doono meel ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa
wasiirka wax ka waydiiyay duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Wariye Cumar Xasan Khayre
Wariyaha daafeet.com ee Muqdisho