Taliyaha Nabadsugida Gobolka shabeelaha hoose oo shaley lagu dhaawacay Lambar 50

2
60

markaWeerar shalay ka dhacay deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa la sheegayaa in lagu dhaawacay Taliyiha nabad sugida gobolka Sh/hoose Corneel Catoosh sidoo kalana lagu dilay labo ka mid ah Ilaaladiisa.

Weerarkaani oo ay gaysteeen maleeshiyaad hubeysan ayaa Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Sh/hoose C/laahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheeegay inay ka dambeeyeen falka sarkaalkaan lagu dhaawacay ciidamo beeleed xiran shaarka dowladda sida uu sheegay oo deegaanka ay isbaaro u taallay.

Guddoomiyaha deegaanka Lambar 50 ee gobolka Sh/hoose C/laahi Cali Axmed Waafoow ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in weerarkaani lagu qaaday Taliyaha Nabadsugida gobolka uu daba socdo dagaal beeleed ka dhacay deegaanka shalay subax oo sida uu sheegay u dhaxeeyay ciidamada u dhashay deegaanka iyo ciidamo kale oo ka tirsan dowladda balse uu sheegay in abaabulan qaab beeleed.

Dhaawaca taliyaha ayaa iminka waxaa lagu daweynayaa isbitaalka Daarul Shifa ee Magaalada Muqdisho,halkaasi oo shalay la geeyay.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. war nimankan gobola wax ka qabto maa lawayey ninka ugu firfircon hade arkan wey dilayan habargidir halaiska qabto shekh abukar oo u dhashey shantacelomd oo hogamin jirey cidama rra ayaaga aya diley digil hurdada kakaca walalihina biimaal garb siya ama daba dhilif nimo aya kusoo arurten dadka gobolka iska leh idinka waye oo mjorityga ka ah marka laga rebo degmoyinka gobloka shebelha magalada ugu amniga badan waa walaweyn inta kale amni kama jiro

  2. awey godomiye isku shega oo u dhashey digil war mesha halaga warejiyo garre mar horeba faido malahayn

Comments are closed.