Wariye Maxamed Saciid oo ka tirsan Idaacada Universal oo garan waayey Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose ey ka kooban tahay

8
67

maxamed sacidWariye Maxamed Saciid oo ka tirsan Idaacada madaxa banaan ee Uiversal TV ayaad waxaad moodaa in uusan ka shaqeynayo barnaamij uusan u laheyn aqoon buuxda.

Waxaa jirtey barnaamij dhawaan ka baxay idaacada  universal oo badanaa soo gala xiliga maqribka ka dib kaasoo la iska weydiinayo su,aalo ku saabsan dalkla gudihiisa’ Ayaa waxaa dhacdey in uu weydiiyo mid ka mid dadkii telfoonada soo diriy suaasha oo eheyd.

Waxaad sheegtaa 3 Dagmo oo ka tirsan Gobalka Shabeelada Hoose? Jawaabtii la siyey ayaa wexey aheyd Afgoi, Marka iyo Dagmada Wanle weyn wariyahii oo aan umalaynaayo in uu waayo arag u ahayn saxaafada uuna aqoon u lahayn dagmooyinka soomaaliya ayaa yiri Wanle wein waa Tuulo taas oo yaab ku noqotay Umada Soomaaliyeed oo daawanaysay Tv ga habeenkaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee mar walbaba waxaa haboon hadii barnaamij la sameynayo in barnaamijka loo dhiibo dadka ku haboon amaba garan kara jawaabta saxa ah hadii uu qaldo qofka suasha la weydiiyey.

Laakiin hadii midka suaasha weydinaayo uu ka liito midka la weydinaayo waxaa halkaa ka iman karta fadeexo sida hada dhacdey oo kale universalna haka fiirsato barnaamijyada soo socda iyo dadka ey u dhiibaneyso.

Bal suaasha nala dhegeysta

Daafeet.Com

8 COMMENTS

  1. waa yaab dagmadii ugu facka waynayt dagmooyinka gobalka Shabeelada hoose haduu yiri dagmo mahan aqoonta ayaa kuyar mana istaahilo inuu wariye noqdo qofkaas oo kale

  2. Weriye ku sheegaan keliya ma aha kuwa aan kala garanaynin gobolada iyo degmooyinka koonfurta Somalia. Xita hadda ka hore ayaa wasiirada arimaha dibadda Fowzia sidaas oo kale u qaladay. Universal TV maamulkeeda ha loo diro in qofkan oo kale in uusan ka hadlin koonfurta Somalia. Ha loo dhiibo in uu ka hadlo xaaladaha burtinle, salaxleey, cadaado,taleex, isku-shuban iyo isku-wax kale.

  3. waa yaab aduunkan wlhi ninkan sidee u damacay inuu dad weydiyo sual uusan aqoon ulaheyn waxan oo kale ayaa lagu leeyahy wariye waraa orod oo wax soo baro marka hore tarikhda wadanka mala taqanid ee mida kale waxan aan TV aheyn ayey kuleyihin TV calamiga ah ee Universal waryada marka hore soo barta micnaha arayga caalami. WABILAHI TOWFIIQ .

  4. Daaqadda ayuu ka soo galey shaqada, waana fadeexad weyn oo UNIVERSAL inuu ka soo jawaabo, wariye aan aqoon laheyn in lagu aamino shaqadaaan.

Comments are closed.