Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo wareysi siiyey idaacada BBC ayaa sheegay in tababarida iyo qalabeynta ciidamada ay ka saacideyso inay ka maarmaan gacmaha shisheeye.
Fiqi waxa uu sheegay inay gaari doonaan heer isku filnaansho ah balse waxa uu sheegay in ka hor aysan ka maarmin taageerada dalalka dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay inay amaanka ka saacidayaan.
Wasiirka Gaashaandhiga oo dhinaca kale ka warbixiyay Shirkii uu lasoo qaatay Xukuumadda Ethoipa ayaa waxa uu sheegay in ujeedka Shirkaasi uu ahaa in meel looga soo wada jeesto Al Shabaab iyo Xaqiijinta amaanka dalka.
Hadalka wasiirka ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa kadib kolkii wasiirka uu kulan lasoo qaatey Reysulwasaaraha dalka itoobiya ayagoo kasoo wada hadley arimo badan oo quseya somaliya iyo sidii alshabab looga saari lahaa deegaanada ey ku sugan yihiin.
Daafeet.Com