Gudoomiyaha degmada Xamar weyne oo tegey goobta uu qaraxa ka dhacay

0
54

xamarweyneGuddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/laahi Ibraahin Sahal Gardhuub oo goobta qaraxa ka dhacay soo gaaray ayaa wuxuu sheegay in qaraxa lala eegtay gaari uu leeyahay Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo ah xubin kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne ayaa xaqiijiyay in hal ruux uu ku geeriyooday qaraxaasi halka sidoo kale todob qof kale ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Saldhiga Degmada Xamarweyne Maxamed Daahir ayaa u sheegay warbaahinta inay sameynayaan baaritaano ku aadan qaabka qaraxa uu dhacay dibna ay kasoo faah-faahin doonaan.

Xildhibaanka gaarigiisa qaraxa lala eegtay ayaa goobta laga kaxeeyay isaga oo caafimaad qaba balse aad moodo in uu ka naxsanaa dhibta lala beegsadey.

Daafeet.Com