Imaanka Beesha Habargidir C/llaahi Khaliif oo sheegey iney iska dhicin doonaan Beesha Biyomaal

3
105

markaaWaxaa beryahan dambe gobolka shabeelaha hoose ka taagnaa dagaalo ey isku hayaan beesha biyomaal oo degta gobolka shabeelaha hoose iyo beesha habargidir dagaaladaas oo salka ku haya in beesha Biyomaal ey diidan tahay in deegaankeeda loogu taliyo.

Imaan beesha habargidiri Imaan C/llaahi Khaliif ayaa maanta si bareer ah waxaa uu u iclaameyey dagaal ka dhan ah beesha biyamaal wuxuuna sheegey in beelaha kale ee dega deegaanka ay nabad ku wada nool yihiin balse loo taag waayey beesha Biyomaal hada iyo wixii ka dambeeyayna uu dagaal ku qaadi doono.

Imaan C/llaahi Khaliif ayaa hadalkiisa kusii darey in beesha Babargidir ey degen tahay Gobolka Shabeelaha Hoose eyna Xoolo ku leeyihiin ayaga iyo Biyomaalna midkoodna uu deegaan u hari doono waxaa kaloo uu sheegey in marar badan ey isku deyeen in ey la xaajoodaan beesha Biyomaal taasina ey hagaagi weydey.

Gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa kaloo dega Qowmiyada Reer ow Digil oo marqaati ka ah dagaalada ey isugula jiraan beesha Biyomaal  iyo Habar gidir, Imaanka waxaa uu kor kusoo sheegey in belaha kale ee dega deegaanka ey nabad ku wada nool yihiin balse waxaa xaqiiq ah in eysan nabad ku wada nooleyn balse beelaha kale ey yihiin kuwo la heystayaan ah oo aan awoodin in ey iska dhiciyaan sida Biyomaal ey isaga dhicineyso.

Dagaaladii sokeeye ka dib beesha habargidir waxaa ey si buuxda ugu soo wada guureen deegaanada gobolka shabeelaha hoose taasoo ey la wareegeen deegaanada oo dhan dadkii ku noolaana ey raali kaga noqodeen, Raali noqoshadaas oo uu maanta ku timaamey iney nabad ku wada nool yihiin taasoo ka fog Xaqiiqda dhab ah.

Somaliya waxaa ey kusoo jirtey dagaal 22 sano waxa 22kaas sano la isku heystana wexey eheyd in xaqdarada iyo dhulboobka la iska daayo ee qof walibana uu deegaankiisa ku noolaado deegaanada kale ee aad marti ku tahayna u hogaansanto sharciyada yaala, Balse waxaad moodaa Qabaailada qaarkood in ey weli aaminsan yihiin in boobiyo qori caaradiis  uun wax lagu heli karo.

Bal nala dhegeysta Wareysiga Imaanka

imaam dagaal ooge

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. war hoyada was mehsha iska amus gobolka meel aad ka dagtiin malahan waxa balan nagu ah in besha biimaal aan garab sino hadanu nahay digil kii godomiye isku shega awey daba dhilifka oo ka amusan arinta ka socota gobolka

  2. dadka ka wada qaska gobolka sh-hose waxey ka soo duuleen dhulkooda waxayna raban iney dulsarnaadan dadka degan ahan u leh gobolka,dowladna wa lo sheegey Wax ay ka qabatey ma jiraan-ileyn waa dad isku reer ah ama isku fikrad ah .digil waxa u dan ah iney iska kiciyaan kooxda dhulboobka ah oo 20 kii sano ee la soo dhaafey dhibatada ka wada gobolkooda–

    • waa runtooda habargidir waa muryan ay booben reeraha shabeelaha hoose iyo dadka tabaryar ee ka soo jeeda xamar dulmi ayey ku socdan hataa salaada way kugu horeeyan xaraamtane waa kugu horeeyan hada xamarweyn dulmi ayey ku haystan madaxweyne intuu yahay hawiye soomaali waxba ma dhismeyso

Comments are closed.