Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la kulmay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay wararka ku saabsan is bedelka dhowaan dowladda wado.
Inkastoo Madaxweynaha aanu si rasmi u faah faahin is bedelka, ayaa hadana waxaa uu u cadeeyay odayaasha in dhowaan dowladda damacsan tahay is bedel ay sameyso oo uu ula jeeday Xukuumada.
“Is bedelka dhowaan waa dareemi doontaa, wax kale ku mashquulsanahay oo kale ma jirto, waxaa daneyneynaa waxay tahay labo waxyaabood, Soomaaliya oo degan iyo Soomaaliya oo mid ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa todobaadyadii u dambeeyay cadaadisyo siyaasadeed kala kulmayay siyaasiyiin mucaaradsan dowladdiisa, kuwaasoo eedeyno kulul u jeediyay markii ay shirar ku qabteen.
Mid ka mid ah odayaashii ka qeyb galay kulankii xalay Madaxweynaha kula qaatay Hotel Jazeera ayaa u sheegay Daafeed.com in Madaxweynaha uu u cadeeyay inay ka go’an tahay is bedelka lagu sameynayo Xukuumada.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dowladdiisa ay wixii ay qaban karto qabatay mudadii ay xafiiska la wareegtay, isagoo xusay in haatan ay diyaarisay kumanaan ciidamo oo tababar gaar ah la siiya, taasoo uu ku tilmaamay qeyb ka mid ah waxyaabihii ay qabatay.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Madaxweynaha ayaa soo if bixinaya hadal heynta ku saabsan is bedelka ballaaran ee dhowaan lagu sameynayo Golaha Wasiirada Soomaaliya.