Taliyaha ciidanka nabadsugida ee gobolka shabeelaha hoose oo ka hadley cidii ka dambeysey dhawaca loo geystey

0
158

markaCabdi rashiid Ibraahin Axmed Catoosh Taliyaha Nabadsugida Shabeelaha hoose wuxuu sheegay in xaaladiisa caafimaad iminka ay tahay mid wanaagsan,ragii falka dhaawaca u geestayna ay ahaayeen rag xiran shaatiga Dowladda balse aanan aheyn ciidan Dowladeed.

Mar wax laga weydiiyey falka dhaawaca ah ee loo geestay inuu la xiriiro dhaawac horay loogu geestay sarkaal ka tirsan ciidanka Dowladda ee Gobalka Shabeelaha hoose,kaasi oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Wuxuu sheegay in Liibaan Madaxweyne ay doon-doonayso maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya, maadaama uu horay u dilay askari ka tirsan ciidanka Dowladda, gacanta Dowladana uu ka baxsaday ilaa iyo iminkana uu yahay shaqsi baxsad ah.

Taliyaha Nabadsugida Gobalka Shabeelaha hoose ayaa dagaalka lagu dhaawacay wuxuu beeniyay inuu yahay mid qabiil ah,balse wuxuu xaqiijiyey inay jiraan dad doonaya in magac qabiileed ay dadka ku laayaan oo Gobalka ay ka bilaabaan sida uu yiri.

Daafeet.Com