Qarax miinooyinka lagu xiro gawaarida ayaa kol dhaweyd degmada xamar weyne ee magaalada muqdisho lagula beegsadey Xildhibaan Sheekh Adan Mad-Deer .
Qaraxan ayaa waxaa ay dhibaato kasoo gaartey ilaaladii xildhibaanka la socdey iyo qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magalada muqdisho.
Ilaa iyo hada inta la ogyahay ee ku dhimatey qasaarahan waxaa la sheegey in uu yahay hal qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmey in ka badan 5 ruux’Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaarey ilaalada xildhibaanka.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa berhan dambe si aad ah u soo xumaanaya amaanka magaalada muqdisho taasoo aad moodo in uu fara ka sii bixi rabo bishan ramadaanka gudihiisa howlgalada ey fuliyeen alshabab aad ayey u badnaayeen ayadoo aad u yareyd wax ka qabashada dhinaca dowalda.
Daafeet.Com