Golaha Amaanka oo ka hadley hubka kusii qulqulaya dalka Somaliya iyo Eritrea

0
64

uniteGolaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cambaareeyay jabinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo la sheegay in labada waddanba uu hubku ku sii qulqulo.

Go’aan ay isku raaceen dhammaan xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay hubka ku sii qulqulaya labadan dal oo la sheegay inuu yahay khatar dhanka ammaanka ah oo soo foodsaartay gobolka.

Golaha ayaa sheegay inay sideeda sii ahaan doonto cunaqabataynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, balse waxaa la cadeeyay in laga khafiifiyay dawlada Soomaaliya oo ay lasoo dagi karto qalab ciidan iyo sidoo kale taageero iyo tababar lasiiyo ciidanka Soomaaliya ilaa iyo inta laga gaarayo March 6, 2014.

Golaha ayaa sidoo kalana walaac ka muujiyay dhoofinta dhuxusha ee sii socota, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii ku xadgudubta xayiraada saaran dhoofinta dhuxusha.

Dhanka kalana golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ammaanay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay gaartay sannadahan u dambeeyay kasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid la taaban karo.

Daafeet.Com