Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ku ansixiyey qodobo dhowr ah

0
57

golaha_wasiirada_3Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Faqi kawaasoo sharaxaad ka bixiyay dadaalka ay ugu jiraan xakameynta amniga, waxayna xuseen in ay wadaan qorsheyaal ay uga hortagayaan falalka lidiga ku ah amniga magaalada iyo dhamaamba gobolada dalka.

Golaha ayaa isla gartay muhiimada bixinta mushaaraadka ciidanka dawladda sida, Boliiska, Nabadsugida iyo Asluubta, oo markii ugu horeysay dawladdu bilowday waxaana loo qoondeeyey mushaar dhan halkii Askari USD 160 (Boqol iyo lixdan dollar). “Talaabadan mushaar bixintu waxay kor u qaadi doontaa kalsoonida ciidankeena.

Golaha wasiirada ayaa maanta ansixiyey heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay Hindise sharciyeedka Shatiga dhoofinta iyo soo dejinta (Import and Export), iyo sidoo kale sharciga sumada ganacsiga (Trade Mark), iyadoo loo gudbin doono golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Daafeet.Com