Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobollada dalka ka dalbaday in wixii baahiyaad ah oo ay qabaan ay u soo gudbiyaanaan dowladda, caawiyo.
Madaxweynaha wuxuu xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ha ku nolaado Puntland, Somaliland iyo ama gobollada kale ee dalka uu xaq u leeyahay in uu dowladda u sheegto baahidiisa.
Wuxuu ballanqaaday in kaalmada laga helo caalamka aanan lagu bixin doonin waddooyin khaldan ama cid gaar ah aan lagu maalgelin doonin, balse wax loogu qaban doono shacabka dhibaateysan.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya ka dib kolkii uu kulan la qatey Magalada Muqdisho diblamaasiyiin ka socday Midowga Yurub.
Daafeet.Com