Kulan xasaasi ah oo ay isugu yimaadaan odayasha beelaha digil iyo biyomaal ayaa xaley waxaa uu ka dhacay Magalada Ohio ee Dalka Mareykanka kulankaas oo ey kasoo qeyb galeen dhamaan indheergaratada laba beelood waxaa kaloo dhinaca qadka telfoonka kaga soo qeyb galey odeyaal ku nool dunida dacaladeeda, Kulankan ayaa dirada lagu saarayey hadal hanjabaad ah oo u kasoo yeerey mid ka mid ah Iimanada beesha habar gidir.
Imaanka ayaa shaley asagoo la hadlayey idaacadaha magalada muqdisho waxaa uu farriin dagaal u direy beesha biyamaal ee ku dhaqan gobolka shabeelaha hose isagoo sheegey in ey ka joogi la, yihiin deegaan eyna iska celin doonaan.
Odayaashii kulankaas isugu yimid ayaa waxaa ey sheegeen in eysan habooneyn hadalka kasoo yeerey Imanka maadaama uu deegaan marti ku yahay wax deegaan ahna usan ku laheyn odayaasha waxaa kaloo ey sheegeen Waxaa yaab iyo amakaak leh in nin sheeganaya darajada Imaanka beesha Habargidir
Odayaasha ayaa sheegey in deegaanka ey degaan Digil iyo Biyomaal inta soo harteyna ey u degenan karaan somalinimo balse eysan ku degenan karin xoog looga baahan yahay in ey u hogaasamaan shucuuda u degsan dadka deegaanka hadii eysan awoodina ey ku laabtaab deegaanadii ey kolkii hore kasoo haajireen.
Odayaasha ayaa carbka ku dhuftey in beesha uu kasoo jeedo Imanka ey dhibaatooyin badan ku hayaan deegaanka tan iyo kolkii uu bilowdey dagaalka sokooye ayagoo xanibey isku socodka gobolka taasoo sabab u ah Isbaarooyinka aan xadka laheyn ee ey dhigteen dhamaan gobolka.
Gabagabadii shirka ayaa waxaa ey odayaasha usoo jeediyeen Imaanka in uu ka laabto hadalkii hanjabaada ee uu u direy beesha biyamaal raaligelina uu ka bixiyo, Wexeyna u sheegeen in somaliya ey ka daashey dagaal iyo hanjabaad wexeyna intaas ugu dareen in qof walba uu leeyahay deegaan uu kasoo jeedo ayna haboon tahay in qof walba uu ku laabto deegaankiisa si loo helo nabad waarta.
Daafeet.Com
Inuu ka laabto maxay tahay? Digil iyo Mirifle iyo Biyamaal intaad wax baryeysaan sida Jubaland ayaa la idiin dul degaa. dad noqda DM sida Biyamaal dabka saara cida hanjabaada iyo xooga dhul aysan lahayn ku dagaalameysa
sxb gobolka shableha hoose wuxu noqdey dhul habargidr maxa yeley sida u hadlayo firi kan isku shegaya imamka somalida wxay ku maxmaxda u shis laga arka lagu tuma marka digil dad wax iska celin karo ma ahan dad isku duban aya wax iska celin qolo walba afka ayey ka hadasha hada waxa lo baxna biimaal inay garab siyaan biimaal hade laga soo atkadao adiga aya laguso socda mana hadli kartid madaxa aya lagaga istaga waxay rabta habaraney dadka gobolka ayey rabta inay kala disho marka digil waa dad hurdo ku jira habrgidir baryo waxba kuma lahan xoog aya u bahan in logu saro gobolka sida logu soo sarey bay iyo bakool lkn hade gobolkaga wada hadal kula gashin idinka aya u ogoladey habrgidr gobola. lkn biimaal waxa dhihi karna dad usoo kacay inay iska dhiciyan habarta hade gobolka xoreystan biimaal aya gudomiye loga dhigaya gobolka, maxa yeley ayaga aya naftoda u xurey. digil hadhow anaga aya iska leh ma dhihi kartan gobolka. hadi kale hada fadhiga kaca inta goor goor tahay wabilahi tawfiq
WAA INAA ISBAHEYSTAN DIRR IYO DIGIL IYO MAREEF AY KA SAARAAN MUURYANKA BOB WATO UU SOO DUULAY G/SH HOOSE WAA HOOYOGIDIR INAA KA BAXAAN DHAMAAN SH HOOSE NINKA LA DHOHO INDHACADE WAA MUURYAN MILITERI WATA OO DAWLADA RAALI KA TAHAY ANIGA WAXAAN DHIHI KARAA DAWLAD OO MURYAN WADATO
Comments are closed.