Maxkamad Federaal ah ayaa maalintii shalay ku xukuntay wiil Soomaali ah shaki argagixisinimo, waxaana lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyadoo lagu eedeeyay inuu been u sheegay hayada FBI-da dalka Mareykanka iyo waaxda socdaalka dalkaasi Mareykanka.
Cabdulaahi Cumar Fidse, oo dambi lagu soo oogay bishii december ayaa la sheegay in labo sano oo kamid ah xukunkiisa uu qaatay intii dacwadihiisa ay socdeen ilaa sanadkii 2011.
Waxaa la sheegay in 10 sano lagu xukumay laakiin iminka ay u harsan tahay sideed sano, waxuuna ku eedeysnaa labo dambi oo ahaa been u sheegista hayada FBI iyo masuuliyiinta waaxda socdaalka.
Cabdulaahi Cumar, oo ka hadlay eedeynta loo jeediyay oo aheyd inuu xiriir la leeyahay Alshabaab ayaa beeniyay arintaasi, wuxuu yiri, dacwad oogayaasha dowlada runta ma raadinayaan.
Daafeet.Com