Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka arimaha gudaha oo maanta tegey goobihii ey shaley qabaailada ku dagaalameen

0
54

w gudahaWafdi isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo ay ka dhaceen dhawaanahan dagaallo beeleedyo ay ku lug lahaayeen ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo u abaabulnaa hab beeleed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaa kaloo socodkiisa ku hwehliya wasiirka wasiirka gaashaandhiga, iyo owqaafta iyo arrimaha diinta, iyagoo kulammo la leh waxgaradka goobihii ay ka dhaceen dagaallada si ay xog badan uga helaan dagaalladii halkaas ka dhacay.

Xildhibaan ka mid ah wafdigan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la kulmeen waxgarad ayna kala sheekeysteen wixii dhacay, ayna doonayaan inay tagaan deegaanno kale si ay xog intaan ka badan uga helaan.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose dagaallo u dhexeeya beelo halkaasi dega iiyo kuwa gobolo kale kasoo haajirey.

Daafeet.Com