Afhayeenka Maamulka Axmed Madoobe oo Reysulwasaraha ku eedeeyey inuu kasoo horjeedo Mamulka Jubooyinka

0
55

serarAfhayeenka maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo Cabdi Naasir Seeraar ayaa hadal uusiiyay warbaahinta wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu dib usoo abaabulayo dagaaladii Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay Seeraar in ragii sheeganaye Madaxweynayaasha Jubbaland ay tageen Magaalada Muqdisho,ayna la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iminkana ay dib isu soo abaabulayaan si ay markale dagaalo ugu qaadaan Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay inuu shaqsi ahaan kaga soo horjeedo maamulka Jubbaland,arimo qabiil ku saleysana uu doonayo inuu maamulkaasi ku bur-buriyo sida uu sheegay Seerar.

Hadalkan kasoo yeerey Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo ayaan jirin cadeymo muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu abaabulayo dagaalo ka dhan Magaalada Kismaayo.

 

Daafeet.Com