Maxkamada ciidamada qalabka sida oo maanta Xukun Dil ah ku fulisey 4 Askari

0
46

Dil Askar DowladaMaxkamada Ciidamada qalabka sidda ee dowaldda Soomaaliya ayaa saakay wexey barxada weyn ee iskoola boliisiyo xukun dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwaasoo horay u geystay dilal.

Goobta uu dilku ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya iyo kuwo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka, sidoo kale waxaa joogay shacab daawanayay sida uu dilku u dhacay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Liibaan Cali Yaroow oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in askartan dilka toogasho lagu fuliya ay ka mid ahaayeen askar horay u geystay dil toogasho oo maxkamaddu ay xukun ku ridday.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan askar kale oo iyagana lagu xukumay dil toogasho dhawaanna lagu fulin doono xukunnada, isagoo uga digay ciidamada dowladda inay geystaan dilal, taasoo keeni karta in la dilo iyagana.

Daafeet.Com