Afhayeenka Alshabab oo ka hadley Qaraxii shaley ey la beegsadeen Safarada Turkiga

0
56

cali dhereAfhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa sheegay in weerar lagu qaaday dhismo ay dagan yihiin shaqaale Turki ah oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay iyaga ka dambeeyeen.

Cali dheere ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo gudaha u galay Xarunta kadibna ay baxsadeen iyaga oo bad qaba.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 6 ka mid ah shaqaalaha Turkiga sidoo kalana tiro ka badan ay ku dhaawaceen.

Sababta ay Al Shabaab u weerareen Turkiga ayaa waxa uu ku sheegay Cali dheeere inay tahay in Turkiga ay qeyb ka yihiin dagaalka Muslimiinta lagula jiro sida Soomaaliya iyo Afganistaan.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa hanjabaad u diray dowladda Turkiga iyo shaqaalaheeda oo uu sheegay inay sii beegsan doonaan hadii aysan faraha kala bixin arrimaha Soomaaliya.
Daafeet.Com