Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii ismiidaminta ee lala beegsaday guriga shaqaalaha Turkey ay daganaayeen, kaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac.
“Waxaan marka hore tacsi aan u dirayaa dowlada Turkey, dadka waxyeelada soo gaartay iyo kuwa dadkii ay jeclaayeen ku waayay weerarka, Turkey wuxuu ka shaqeeynayay caawinta Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay”ayuu yiri Nicholas Kay.
Xafiiska howlgalka gargaarka ee qaramada Midoobay Soomaaliya “UNSOM” oo uu madaxda ka yahay Kay, ayaa sidoo kale sheegay in weeraradaasi ay kamid yihiin weerarada ay Alshabaab qaadayeen bishaan inta lagu gudo jiro.
Xafiiska UNSON, oo howlgalkii Somalia ka bilaabay bishii lasoo dhaafay ayaa ka shaqeynaya taageerada Soomaaliya, waxaana horay xafiiskaasi loo yaqiinay xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee UNPOS.
Daafeet.Com