Alshabab oo weerar ku qaadey Isbaaro tiiley Deegaanka Number 60 ee Gobolka Shabeelaha Hoose

1
89

isbaaroWarar kol dhow inaga soo gaarey Degmada Shalanbood ayaa sheegaya in isbaarooyin yaaley number 60 oo u dhaxeysa wadada weyn ee isku xirta Magalada Afgooye iyo Marka ay weerar kusoo qaadeen ciidamada ururka Alshabab kuwaas oo meesha ku diley qaar ka mid ah kooxihii isbaarada meesha u tiiley gadiidna kala wareegey.

Isbaaradan ayaa lagu soo waramayaa iney meesha u tiiley Yusuf Indhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ku sugnan  jirey deegnaanka shabeelaha hoose.

Shaleyto ayey eheyd kolkii laga wareysanayey isbaarooyinka wasiirka gaashaandhiga isaga oo sheegey in ey nadiifin doonaan, Balse inta uusan nadiifinta bilaabin ayaa kooxaha Alshabab ka bilaabee isbaaradan taaley deegaanka number 60 ee ka tirsan  gobolka shabeelaha hoose.

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.