Waxaa goordhow isbitaal ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenkii magaalada Baydhabo Maxamed Macalin Ibraahim (Dhala-dheere).
Geerida Marxuum Maxamed Macalin (Dhala-dheere) ayaa ka dambeysay israsaaseyn 17 bishaan ku dhexmartay ilaaladiisa iyo askar ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolka Baay.
Milkiilayaasha Ishabaydhaba.com iyo Daafeet.com, Ilyaas Saciid (Qalinle), Yaasiin Abiikar iyo dhamaan bahda Shaqaalaha ayaa ka tacsiyeynaya geerida Gudoomiyaha oo ay sheegeen in uu ahaa nin howlkar ah, iyagoo Alle uga baryey in uu Janadii fardowsa ah ka waraabiyo islamarkaana samir iyo imaan ka siiso Eheladiisa iyo Umada Soomaaliyeed ee uu ka tagay.
Daafeet.Com