Howlgalo balaaran ayaa maanta waxaa ey ciidamada amaanka ee gobolka shabeelaha dhexe ka sameeyeen magalada jowhar kasoo ay kusoo qabteen ku dhawaad Afartan qof oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab
Howlgalka oo ay iska kaashanayeen Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa laga fuliyay xaafadaha, iyadoo guri guri loo baarayay iyo sidoo kale dadka iyo gaadiidka.
Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay lagu hayo saldhigga booliska ee Jowhar, si su’aalo loo waydiiyo.
Wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah, tan iyo inta laga xasilinayo ammaanka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabeellaha dhexe.
Daafeet.Com