Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo ka hor tegey Qarax ey maleegayeen Alshabab

0
57

CiidanCiidamada Dawlada ayaa waxa ay sheegen in ay Fashiliyeen Weerar ay Xalay Kooxda Shabaab ku doonayeen in ay ku qalqal galiyaan amaanka Magalaada Baladwayne.

Saraakiisha ciidamada Gobalka hiiraan oo la hadlay warbahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen in shabaab ay weerar ku soo yihiin magalada baladwayne heegan buuxana la galiyay ciidamada dawlada ee kusugan hiiraan si ay uga hortagtaan weerarkaasi.

Baryihii ugu danbeeyey waxaa magalada Baladwayne ka socday Hawlgal lagu xaqiijinayo Amaanka guud ee Gobalka Hiiraan.

Weerarada Alshabab ayaa bishii ramadaanka waxaa ey ahaayeen kuwo xowli ku socda ayagoo geystey qasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Daafeet.Com