Madaxweynaha dowlada federlka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada kampala ee dalka Uganda.
Xasan Sheekh Maxamuud ujeedada uu u aaday Magaalada Kampala ayaa waxa ay tahay ka qeybgalka shir looga hadlayo arimaha ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya jooga.
Ujeedada shirka beri ka furmaya Magaalada Kampala ayaa waxa ay tahay sidii loo joogteyn lahaa dhaqaalihii iyo qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya jooga.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha uu halkaasi ka sheegi doono tayeynta iyo dib udhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliya.
Daafeet.Com