Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo la kulmey Madaxweynaha Dalka Ugandha

0
51

xasan shekhMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay kulan dheer la qaatay dhiiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, iyadoo kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Uganda ay kaga hadleen arrimo badan.

Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labada waddan, arrimaha AMISOM, shirka maanta ka furmaya magaalada Kampala oo dhex-maraya madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo arrimaha guud ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Museveni sidii diirranayd ee loogu soo dhoweeyay Kampala iyo qaban-qaabada shirkan muhiimka u ah Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixin kooban ka siiyay dhiggiisa Uganda horumarka baaxadda leh ee ay dowladdu ku tallaabsatay 11-kii bilood ee la soo dhaafay, kana codsaday Museveni sidii ciidamada Somalia tasiilaadka ay u baahan yihiin loogu heli lahaa si ay u sahlanaato soo celinta amniga dalka.

Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, tababbaradda joogtada ah ee ciidamada iyo dib u habeynta lagu sameynayo hay’adaha amniga.
Daafeet.Com