Afhayeenka Madaxweynaha dowlada federalka somaliya oo ka warbixiyey shirkii Kambala

0
35

Inj YariisowAfhayeenka madaxweynaha Enjineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo ka warbixinayay shirka Kampala ayaa sheegay in lagu heshiiyay in ciidamo isku dhaf ah la geeyo magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Madaxweynaha Enjineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in sidoo kale go’aan la gaaray ay ka mid tahay dowladda Soomaaliya ay maamul u sameynta dalka sii amba qaado iyadoo dib u heshiisiin u sameeneysa dadka taasina uu ka hadlay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay dhawaan in ciidamada Kenya lagu badalo ciidamo kale ama la isku dhafo ciidamadaasi kuwaasi oo howshooda shaqo ay dhaliishay kadib markii lagu eedeeyay inay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa ku kulansanaa dalaka ey ciidamada ka joogaan dalka somaliya ayagoo doonayey iney ka arinsadaan sidii dalka somaliya arinteeda loo adkeyn lahaa nabad waartana loogu soo dabaali lahaa dalka somaliya.

 

Daafeet.Com