Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay ku waramayaan in uu maanta geeriyooday Cusman Xasan Cali oo loo yaqaano Cismaan Caato kadib kolkii uu si lama filaan ah u istaagay Wadnaha.
Allaha u naxariistee Cusman Xasan Cali Caato ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho iyadoona xaaladiisa marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneysay.
Caato ayaa waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ugu caansanaa gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Cismaan caato wuxuu dhashay sanadka marka uu ahaa 1940 kii wuxuu ahaa nin bulshadu ay ku taqaanay inuu ahaa ganacsade markiisii hore inta aanu u xuub siiban siyaasada, waxuu la shaqeen jiray Maxamed Faarah Caydiid oo ay isku beel ahaayeen. Cismaan Caato waxuu leeyahay 22 Caruur ah wuxuuna degenaan jiray dalka Kenya.
Markii ugu horaysay ee Cismaan Caato loogu yeero Qabqable Dagaal waxay ahayd 9kii Febraayo 2005tii taasi oo wakaalada wararka Reuters ay u isticmaashay kuna tilmaantay Caato inuu yahay Qabqale Dagaal.
Allaha u naxariistee Cusman Caato ayaa lagu xasuustaa dagaaladii ahliga ahaa ee Muqdisho ka dhacay waxaa uuna sidoo kale aad ugu soo horjeeday dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray marka laga tago dowladii labada Shariif iyadoona uu xilal Xildhibaanimo kasoo qabtay sidoo kalena dowladii Marxuum Cabdullahi Yuusuf.