Madaxwaynaha ismagaabay ee waxa loogu yeero Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir jaraa’id saxaafadda ugu qabtay magaalada Kismaayo ayaa ku calaacalay in kooxdiisa ku guul daraysatay riyadii ay qabeen oo ahayd in wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kenya inay ku taageeri doonaan dhulboobka ay ku hayaan dadka deegaanka gobolka Jubada hoose.
Axmed Madoobe oo ku dheeraaday calaacalkiisa ayaa waxa uu sidoo kale dhaliilay guusha ay Dowladu ka gaartay siyaasada arimaha dibada iyo weliba guusha lama ilaawaanka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisu kala soo laabteen Kambala.
Halkan ka dhegayso Calaacalka Axmed Madoobe