Kadib kolkii uu maanta dib dalka ugu soo laabtay Madaxwayne Xasan Sheekh maxamuud ayaa waxa uu shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa oo kasoo laabtay shirkii madaxda wadamada Ciidamadda ka joogaan Soomaaliya ugu soo dhamaaday dalka Uganda ayuu Madaxwaynuhu wuxuu faah faahin ka bixiyay Natiijadii shirkaasi kasoo baxday iyo weliba qaabka uu wajihi doono.
Sidoo kale Madaxwaynuhu wuxuu ka hadlay arimaha Jubbooyinka oo si gaar ah looga hadlay intii shirkaasi uu soday.
Hadalka madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa aad uga farxiyay dadka kasoo jeeda deegaanada gobolada Jubooyinka oo iyagu gudaha dhulkooda lagu gumaadayo halka uu waran Wadno ku dhacayna uu ku noqday maamulka kooxda Axmed Madoobe ee Jufo-Land.
Halkan ka dhegayso
guul..
maxaa guul ah ninkaan dad iyo dal midna uma naxaayo dano dhaqaale raadis waaye waxaa taas daliil u ah umadii lagu laayay kismaayo kama hadlin mana dhihin kenya ha iga baxdo waxuu mesha la tagay dekada iyo eleboorka ha laygu wareejiyo taas oo macnaheedu yahay aan qeybsano aniga iyo ciidan ka keenya ee jooga halkaas oo booska ahmed madoobe aan galo marka ahmed waxba ma dhaamo kuli waa dhaqaalo doon dhulka in ay leeyihiin maba u malaysid gurigoodii ayay gorgortan ka galayaan hadana shacabyahoow heshiiskii lala galay waa looga baxay waxaana shacabka somaliyeed la tusiyay in uun waxba dhaamin kan ay madaxweynaha somaliyeed ka dhigteen waana la tusiyay shacabka somaliyeed wasiirada arimaha dibada kenya ayaa arintii laaday marka shacabyahoow hurdaayo ninkaan N.G.O. ku soo caan baxay waxba ha ka sugin mideeda kale qol kanbalo ku yaallo ayaa inta la gashtay lagu yiri qaramada midoobay hadalka ay soo jeediyay oo ah in ciidamado qaramada midoobay ka socda in la keeno somalia diid in la keenan shacabka somaliyeed dan fiican u ah sababo jiro awgeed ciidanka caalamka ka socdo waxaa maamulaayo qaramada midoobay waana lala xisaabtmayaa ciidankii gaf gaysta mideeda kale ciidankaan hadda joogo somalia lalama xisaabtami karo marka haddii uu dhihi lahaa ciidamo caalam ka socdo ha la keeno sida ay maanta dhibta kugu hayaan kenya iyo itoobia iyo ugaadho ma jirayso oo waa lala xisaabtamayaa haddii ay dulmiga dhaafi wayaano cid kaa celiso lagam waynaayo ciidanka imaanaayo marka oday xasan garguurte dantiisa oo qura ayuu fiirsaday marna ma fiirin shacabka la laynaayo lacag doon waaye iyaga waa og yihiin waana ku raacyay in aan la keenin ciidamo caalamka ka socdo isagoo dan shaqsi fiirsanaayo ma afrikaantaan miyaa wadan ku xoreenaayo mase dowlad xoog leh noqotid may itoobia iyo kenya iyo ugaadho ku ogolaanaysaa waxayba rabaan in ay kugu kornoolaadaan war shacab yahoow waad hurdaane hurdad ka kaca oo reer N.G.O. iska qabtan
Comments are closed.