Maamulka puntland oo sheegey ineysan la shaqeyn doonin Dowlada Federalka

0
51

puntlandQoraal kasoo baxay xafiiska maamulka goboleedka Puntland oo lagu sheegey in maamulka goboleedka puntlaand ey u jareen xiririrkii wadashaqeynta ahaa ee kala dhaxeeyey maamulka dowlada federalka somaliya ayagoo tirsadey qodobo dhowr ah qoraalkani ayaa wuxuu u qornaa sidatan.

Iyadoo la tixraacayo khudbadii Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) uu ka jeediyay Munaasabadii 1 August oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Puntland –go’aankaasoo waafaqsan soo jeedintii Guddiga Wadajirka ah ee Golayaasha maamulka ee July 24 – Maamulka Puntland waxay si rasmi ah u hakisay wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lehayd Dowladda Federaalka Soomaliya.

Tan iyo dhisidii 1998-kii Maamulka Puntland waxay dadaal dheeri ah u gashay inay hirgaliso hey’daha dowliga ah, sharciga iyo kala dambaynta, iyo gaarsiinta adeega bulshada ee shacabka Puntland, iyadoo qeyb wayn-na ka qaadatay dib u dhisida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo 2004-kii. Puntland waxay taageero muhiim ah ku bixisay Soomaaliya iyadoo wakhti, juhdi badan, iyo dhaqaale intaba galisay nabadeynta iyo dib u dhiska Federaalka Soomaaliya.

Dadaalkaani waxaa laga filanayay Soomaaliya cusub oo madaxbanaan, kuna dhisan nidaamka Federaalka iyo xisbiyada badan. Haseyeeshee, tan iyo September 2012-kii markii la dhisay Dowladda Federaalka, dalkii Soomaaliya wuxuu dib ugu noqday colaadihii, barakicintii, qabyaalad iyo kala fogaansho, isqabqabsi siyaadeed, iyo iyadoo tixgalin la’aan iyo xadgudubyo dhinac kasta ah lagu sameeyey Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo kan rasmiga ah ay Saxiixayaashi Roadmap-ka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ku saxiixeen Nairobi June 22, 2012. War saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee July 25, 2012, wuxuu aqoonsaday Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, waxaana ku qornayd “inuu soo dhaweeyey hormarkii laga gaaray Roadmap-ka iyo heshiisyada la xiriira, uuna ka mid tahay Heshiiskii June [2012] ee Nairobi Protocols iyo baahinta Dastuurka qabyada ah”.

Iyadoo qiimaynaysa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, Puntland waxay sii waday wadahadaladii siyaasadeed ay la lahayd Dowladda Federaalka waxayna Puntland soo dhawaysay Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr. Cabdi Farah Shirdon safarkiisii Garowe (March 9-11, 2013) iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Dr. Xasan Shiikh Maxamud safarkiisii Garowe (April 28-29, 2013).

Madaxweynaha Puntland wuxuu qoraalo u diray madaxda Dowladda Federaalka ee ku sugan Muqdisho iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna Madaxweynuhu cambaareeyey Dastuurkii Federaalka oo sharcidarada ahaa ee la faragaliyay, Dastuur-beenaadkaasi oo loo qeybiyey Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 7, 2012.

Puntland waxay soo dhaweynaysaa Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC Resolution 2111) ee July 24, 2013, qaraarkaasoo ku dhiirigaliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya “inay sameyso barnaamij siyaasadeed oo cad kuna aadan hirgalinta nidaamka federaalka si waafaqsan Dastuurka KMG ah”; sidoo kale, Puntland waxay soo dhaweynaysaa War saxafadeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda IGAD ee May 3, 2013, oo ay ku qornayd mabaa’diidii lagu isku raacay ayna ka mid tahay “Tixgalinta Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Hasayeeshee, si aan waafaqsanayn mabaa’diidii la isku raacay iyo waxyaalihii la filan karay,

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay ku dhaqantay arrimaha hoos ku xusan

1. DFS waxay diiday hirgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah iyo dib u eegis Dastuur oo sharci ah;

2. DFS waxay diiday inay dhaqangeliso Heshiiskii ay la gashay Puntland, March 11, 2013;

3. DFS waxay weecisay hadafkii la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab oo khatar wayn ku ah nabadeynta Soomaaliya;

4. DFS waxay faraha la gashay dagaal beeleedyo dhiirigalinaya haysashada sharci daradda ah ee hantida dadweynaha iyo hantida dowladda iyo deegaanada taasoo horseedaysa cadaalad darro ka dhacdagobollada Banadir, Jubbada Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose;

5. DFS waxay diiday inay la wadaagaan Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalkaawoodda siyaasadeed, kheyraadka iyo deeqaha caalamiga ah oo lagu helo magaca Soomaaliya sida deeqaha waxbarasho;

6. DFS waxay diiday inay wax ka qabato burburka dhaqaale oo ay sababtay lacagtii Shillin Soomaaliga oo suuqa ku yaraatay, iyadoo daabacaada lacag cusubi ay tahay mas’uuliyadda Dowladda Federaalka;

7. DFS waxay saxiixday heshiis amaanka xeebaha ah oo khatar ku ah madaxbanaanida Soomaaliya;

8. DFS waxay taageertaa kooxaha khalkhalgelinta oo ka qeybqaata kicinta iyo degenaansho la’aantasiyaasadeed ee deegaanada dalka Soomaaliya;

9. DFS waxay inkirtay dib u heshiisiinta qaran iyadoo diiday wax ka qabadka barakicinta iyo dib usoo celinta hantidii la kala boobay tan iyo dagaaladii sokeeye ee bilawgii 1990s;

10. DFS waxay tarjumaad khaldan ka bixisaa dalka iyo dadka Soomaaliya goobaha caalamiga ah iyadoo ku guuldaraysatay soo bandhigidda arrimaha qaran ee muhiimka ah.

Sidaa darteed, Dowladda Puntland waxay hakinaysaa wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo intii ay Dowladda Federaalka:

1. Dib u soo celinayso kuna dhaqmayso Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah;

2. Wadatashiyo la yeelato Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka ee arrimaha dib u eegista Dastuurka, arrimaha Federaaliga iyo arrimaha amniga Qaranka ah, arrintaasoo waafaqsan xuquuqda dastuuriga ah ee Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka; iyo

3. Hirgalinayso nidaam lagu xaqiijiyo qeybinta deeqaha caalamiga ee lagu helo magaca Soomaaliya.

Tan iyo intii laga xallinayo arrimaha kor ku xusan, Dowladda Puntland waxay ku dhaqmaysaa xuquuqda iyo awoodaha ku xusan Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee rasmiga ah, Dowladda Puntland kaliya ayaa wakiil ka ah dhammaan arrimaha Puntland gudaha iyo dibedda.

Talooyin ku socda Maamuladda Soomaalida:

1. Taageeridda Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, kaasoo xaqiijinaya hirgalinta nidaamka Federaalka iyo xaquuqda Maamullada dalka, si loo xaqiijiyo dib u midaynta Soomaaliya;

2. Taageeridda dhismaha Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka iyadoo loo raacayo nidaam xor ah oo ku salaysan dib u heshiisiinta deegaanada, si waafaqsan Dastuurka Federaalka; iyo

3. Hirgalinta hey’adaha amniga si loola dagaalamo kooxaha xagjirka Al Shabaab iyo wixii khatar ku ah nabada iyo xasiloonidda deegaanada Soomaaliya.

Talooyin ku socda Beesha Caalamka

1. In la isku raaco lana cadeeyo Dastuurka Federaalka ee rasmiga ah, sida lagu xuso qoraalada iyo war saxafadeedyada ka soo baxa Beesha Caalamka;

2. In Somaaliya lagu caawiyo dib u dhiska Ciidanka Xooga Dalka oo deegaanadooda lagu dhiso si mustaqbalka loo mideeyo loona xaqiijiyo isu dheelitirka, wadashaqaynta iyo sharafta ciidanka;

3. In la xaqiijiyo qaab cadaalad ah oo isu dheelitiran oo lagu qeybiyo deeqaha caalamiga ee lagu bixiyo magaca Soomaaliya; iyo

4. In taxadar iyo faragelin deg deg lagu sameeyo barakicinta iyo cadaalad daradda lagu hayo dadka deegaanka Gobolka Shabeellaha Hoose xadgudubkaasoo ay qeyb ka tahay Dowladda Federaalka iyo maleeshiyoyiin isbiirsaday, arrintaasoo dib u abuuraysa colaado bulshada dhexdeeda ah, siinaxoojiso kooxda xagjirka Al Shabaab inay ay xoog ku yeelato deegaanada.