Xukuumadda Kenya ayaa shuruud ku xirtay wareejinta garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta goblka Jubbada Hoose, iyadoo dhawaan ay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somnalia ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen Kambala in maamulka garoonka iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.
Wargeyska Daily Naition ayaa arrintan ku saabsan oo uu soo daabacay wuxuu ku sheegay in dowladda Kenya ay kasoo horjeesatay go’aankii ay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ku gaareen in maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.
Kibicho ayaa sheegay in haddii ay hadda ciidamada Kenya isaga baxaan Kismaayo ay ku laabanayaan halkii ay markii hore ka yimaadeen (Kenya), isagoo intaa ku daray inuusan shaki ka qabin inay Kismaayo ku laabanayso meesheedii hore (Maamulkii Al-shabaab).
Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo u dirtay ururka Midowga Afrika, waxayna dowladdu ku dalbatay qoraalka in ciidamada Kenya laga bedelo Kismaayo lana geeyo ciidammo isku dhaf ah, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo uu ururku ka bixiyay cabashadaas.
Si kastaba arintu ha ahaatee hanjabaada kasoo yeertey dowlada kenya ayaad moodaa iney ku beer jilicsaneyso dowlada somaliya oo ay leedahay hadaan dekeda iyo garoonka ka boxo kismaanyo oo dhan ayaan ka tegeyaa si ey alshabab ugu soo laabato, Balse su’aasha la isweydinayaa wexey tahay yaa u yeertey kolkii hore ciidamada Kenya?
Daafeet.Com