Diyaarad la sheegay inay hub iyo saanado ciidan oo kala duwan u sidday ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM ayaa saakay ku gubatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaddib markii ay si aan sax ahayn ugu dagtay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Saddex ka mid ah shaqaalihii diyaaradan ayaa ku dhintay, saddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray inta la hubo, iyadoo diyaaradda iyo saanaddii ciidan ee ay wadday ay gabi ahaan gubteen.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan ay lahayd dowladda Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn halka ay kasoo qaadday hubka iyo saanadaha ciidan ee wadday.
Ciidamada AMISOM oo isku dayay inay damiyaan diyaaradda markii uu dabku ka kacay ayay u suuro-geli waxaana intii ay diyaaraddu gubanaysay hakad la geliyay howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ma jiro hadal kasoo baxay AMISOM oo ku saabsan burburka diyaaraddan u sidday hubka iyo saanadda ciidan.
Daafeet.Com