Waa dhacdo kale oo ka mid ah dhacdooyinka xanuun badan oo ku dhacaaya dad aan dalabkoodu(Codsigoodu) ka badnayn inay dhulkooda gudihiisa ugu noolaadaan si Sharaf iyo Dadnimo ku jirto,
Hadaba waxaa iga su’aal ah Sharci dad samee ah(Qaynuun) iyo mid Islaami ah (Shareeco)keebaa qaba in Shacab loo cadaadiyo aas-aaska xaqa noolaha oo ah in uu ku noolaado xuriyad uuna isku maamulo?.
Waayaab waana su’aal aad ugu adag jawaabteeda kolka la weydiiyo kuwa(dadka) dulmiga Afkooda xaqa kaga dhiganaya dhanka kalena waa su’aal jawaabteedu sahlantahay misna aad u kooban kolka caqli,Cilmi iyo Iimaan lagu kabay lagu fekero.
Hadaba waa yaabe duulaanka Beesha Habargidir ee gobolka Shabeelaha hoose ma waxay u balameen inayan u kala harin boobka Dhulka,Dheefta iyo Dhimirba dadka gobolka Shabeelaha hoose deganbaa mise Anagaan garan hadaan nahay (Reer Shabeelaha hoose)?
Waa imtixaan aad arkaysid in lagu soo imtixaanay ummadda degta gobolka Shabeelaha hoose sida Falastiin loogu imtixaamay Israa’iil.
Waa nasiib darooyin aan wax lagu tilmaama lahay in Beesha Habargidir ay gaaraan inay guud ahaan deegaanka gobolka oo idil ay qori caaradii ku qabsadaan misna kula gorgortamaan cidkasta oo xukun doon ah sida Madaxdii KMG ahayd iyo tan maanta ee Xasan Shiikh Maxamuud”Garguurte” uu hogaanka u hayo.
Xasan Shiikh waxa uu goobo badan iyo golayaasha dadku ku kulmaan ka sheegaa in dadka Soomaaliyeed ay deeqdo cadaalad hadaba Cadaalada Xasan Shiikh uu sheegayo ma waanay reer Shabeelaha hoose Istaahilin inay ku helaan gudaha dhulkooda mise dad gaar ah ayaa loogu talagalay in cadaalada ay helaan?
Waa su’aal aan u daynaayo Madaxweyne Xasan Shiikh si uu jawaab ugu doono ka hor inta aan ALLE su’aalin waana hubaal in ALLE su’aali doono Xasan Shiikh inta uu maamulkan hayo.
Ha yeeshee Shacabka gobolka Shabeelaha hoose oo min Maleeshiyo beeleed ilaa madax Dowladeed aan loo kala harin dhibaatayntooda ayaa haatan arkaya in wadada kaliya oo u furani ay tahay inta ay guntiga dhiisha isaga dhigaan ay Qori iyo Qalinka ay labada gacmood ku qabsadaan Laabtuna ALLAH-kacabsi,Carabkuna xasuusta ILLAAH iyo Xaqooda taasi oo haatan si fiican ku bilaabatay lana filaayo in kol dhow guul laga gaaro sharta Habargidir.
Xasan Shiikh iyo maamulkiisa maanta jira ayaa waxay ogaal uga aamuseen welina ay uga sii aamusayaan dhibaatooyinka Beesha Habargidir ay ku hayaan dadka dega gobolka Shabeelaha hoose waxa ayna doorbideen inay ka badbaadaan sharta ay isrumaysiiyeen inay Beesha Habargidir wataan balse waxaan leenahay dhul iyo dhinac ayaa isleh dadka iyo dhulkooduna waa labo aan kala qaadmayn.
Waa yaabe Xasan Shiikhow adiga iyo Maamulkaaga hadii Beesha Habargidir aad siisaan gobolka Shabeelaha hoose oo idil ma is leedihiin waad ka badbaadaysaan sharta aad kaga baqaysaan?
Jawaabtu waa MAYA oo Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin naagtaada raba Gabadhaada ma yeelayo”Habargidirna kuraasta aad ku fahidaan ma ahee wax yar ma ma yeelayso!.
Dhacdooyinka murugada xanbaarsan ee gobolka Shabeelaha hoose ka dhacaayo kaliya kuma koobna kuwo ay geysanayaan Maleeshiyaadka beelaha Habargidir iyo Qori la yuururkooda balse waxaa jira kuwo ku howlan inay shacabka ku dhibaan masuuliyad macmal ah sida gabadha lagu magacaabo Xaliima Ismaaciil Ibraahim oo ku magac dheer Xaliima-yarey oo madaxweyne Xasan Shiikh ugu maga-caaban Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada gobolka Shabeelaha hoose iyadoo ka timid Guriceel waa yaabe Guriceelka ay ka timid mar marbaan is dhahaa armaanu ahayn degmadii gobolka Galgaduud ku taalay ee ayba tahay mid laga dhex dhisay gudaha xaafada Buula-Jaan waa yaab oo weliba yaabka yaabkiisee isla Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima-yarey) ayaa madaxweyne Xasan Shiikh waxa ay ku wehlindoontaa kulanka shirka Soomaaliya ee 16-ka September ka dhici doona magaalada Brusseles ee dalka Belgium iyadoo metelaysa NGO-gii dulmi iyo dad layska ahaa ee laga dishay walaasheed Istarliin Caruush ee IIDA markalaan yaabay ma yaabteen?
Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima-yarey) ma waanay ahayn Madaxweynow qofka leh mas’uuliyada hub ay ciidamada AMISOM kasoo saareen gudaha MCH-keeda taariikhdu markay ahayd 4/8/2013 iyadoo aynu wada ognahay in hubkaasi ay u iibisay una waday inay siiso kooxda Al-Shabaab iyadoo ku iibisay macaawanadii dadka gobolka oo ay ugu soo gargaareen hay’adaha gargaarka?
Hadaba Su’aasha maanta madaxweyne Xasan Shiikh aan ku weydiinaayo kuna soo gunaanado qoraalkayga ayaa waxay tahay.
Madaxweyne Xasanow cadaaladaada maku muujin kartaa in ruux ka soo jeeda beelaha gobolka Shabeelaha hoose ee asalka ah inaad u magacawdo Gudoomiye ku xigeen iyo madaxa Maaliyada gobolka Galgaduud?
LOOGANOW LOOBA JOOGE!.
W/Q; Abdiaziz ShSalah.
ilaahow cadaalad keen ,wadankaan ka dhamaan weysey cadaalad daro…imisa sano ayey socon doonta xumaanta ,dhaca iyo boobka lagu hayo shacabka soomaaliyeed..?
yaab sanad walbo yaraanteena ilaa aan ka weynaano waxaa lagu hayaa habar gidir habar gidib laba naf meey leedahayna anaga reer shabeelaha hoose hal naf meey leeyihii kanooy kurdoodo hoos aan ka fal nooy digiloow mirifle walaalkaayno waaye garab aan wey diisanooy hana leeyswka kiyo doowlad ma jirto meeshaan
dadka waxay u bahanyihi wadanimada waxay tahay in loo shego ama la helo dad isku duban oo difacn kara gobolkoda malinwlaba gobolka shabelaha hose aya xaqdaro lagu hayo mad ku jiraysiin digil ayaga aya ogol gobolka habrgidr inay jogto marka habrgidir hala siyo talo kale aad haysiin majirte
Somalia wax cadaalad la yiraahdo weligeed kama dhicin laga soo bilaabo maalintii xornimada la qaatay ilaa haadan. Somalia xoog lee wax ku leedahay. Waad ogtihiin habargidir waxaa xoog ku maquuniyey Abdullahi Yusuf iyo Amxaaro, hadaan sidaasi loo heli karin, waa dagaal gorilla loo adeegsadaa oo weligiisba dhamaanaynin. habargidir waa in la xanuujiyaa, hadal waxba kuma laha. Anaga eeda dhankayna ayaan ka leenahay, waxaana ka mid ah Biimaal ayaa u sabab ahayd in Hawiye dhulkan gacanta loo geliyo (USC 1991) waagii DAAROODLA ha la saaro la lahaa. Digilna ilaa haadan ayuu dabadhilif u yahay Hawiye gaar ahaan habargidir,abgaal, mursade iyo xawaadle. Siyaasiiyiintooda ayaaba fikirkaasi qabaan. Digil marna ma laga sugaayo in ay dagaal galaan, Hadi dagaal geli lahaayeen waxay ka qeyb qaadan lahaayeen dagaaladii bishii la soo dhaafay ee ka socdeen Shabeelaha Hoose. Dawlada Somalia waxba yaan laga sugin ayaga ayaa habargidir gadaal ka soo riixaya Hawiye ayey isla yihiin.
C/casiis sh.salah war murtiyeysan waa soo qortay lkn waa kee kan ku baraarugaya inuu wax kabaxsado hadalkaga:_ma xasan sheekh baa oo la taliyihiisa qaas ah kadhigtay c/qaasim? mise beesha aan ka dhashay ee biimal ee 2qeyb ukala qeybsan qaar la shiraya tuugada gobolka ku soo duushay inta ay dhexdooda midoobi lahaayeen…? mise digilka hurda oo xitaa aan awoodin inuu is garabtaago walaalkiis biimaal..una maleynayo inuu dhulkaba marti ku yahay asagoo u dhashay…?
Somali Xal waara loo heli maayo ilaa cadaalad looga helo shabeelada hoose, shabeelada dhexe iyo muqdishaba hadii cadaaladooda la waayo somali aa nabad ah yaan leyska dhaadhicin meel aan cadaalad ka jirina nabad iyo nabad toona kama jiri karto…ee Digilow is garab taaga walaalihiina dagaalka bilaabay si gobolka uu guul u wada gaaro hadii kle sheekadii 3da sac ee mid loo cunay ayaa idin sugaysa wallahi…
Comments are closed.