Waxaa goordhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wasiirrka gaashaandhiga Jabuuti Xassan Dharaar Hufane iyo saraakiil ka tirsan wasaarrada gaashaandhiga dalka Jabuuti.
Wasiirrka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobolka Cabdi Faarax Laqanyo.
Wafdiga wasiirka oo loo galbiyay gudaha magaalada ayaa xiligan booqanaya xarumaha kala gadisan ee ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti, waxaana uu waqtigan booqanaya xerrada ciidamada Lama-gallaay, halkaasoo uu tababar uga socdo ciidamo ka tirsan maamulka gobolka.
Safarkan ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee yy wasiirka gaashaandhiga dalka jabuuti uu ku tago magalada balaedweyn maadaama ey ka howlgalaan ciidamo badan oo ka socda dalka jabuuti.
Daafeet.Com