Warar kol dhow inaga soo gaarey magaalada Beydhaba ayaa sheegeya in uu dib u dhac ku yimid kulan la filaayey inuu maanta ka dhaco Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay,kaasi oo looga hadi lahaa arimaha ku aadan maamul u sameynta Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya.
Mid ka mid ah Malaaqyada kasoo jeeda deegaanka oo magaciisa la yiraahdo Malaaq Shiino ayaa sheegey in kulanka uu dib u dhac ku yimid asagoo sheegey in sababta ey tahay in eysan weli iman magalada baydhabo xildhibaanadii ka tirsanaa gobolada koonfurta somaliya.
Kulanka ayaa la filayaa in laga dhigo inuu furmo maalinta ey taariiqdu tahay 16-Bishan kulanka oo muhiimadiisu tahay sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolada koonfurta somaliya.
Si kastaba arintu ha ahaatee kulanka maamul u sameynta gobolada koonfurta somaliya ayaa in mudo ah soo jiitamaayey taasoo ay hor taagnaayeen carqalado badan.
Daafeet.Com