Alshabab oo lagu eedeeyey iney dhacdey Gargaar gaaraya 480.000 oo dolar

0
55

shababWaaxda horumarinta caalamiga Britain ee DFID ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyada al-Shabaab ay dhacday gargaar loogu talagalay Soomaaliya muddadii u dhaxeysay November 2011 ilaa February 2012 gargaarkaas oo lagu qiyaasey 480.000 oo dollar.

Hay’ada DFID ayaa sheegtay in dhammaan la burburiyay agabkaasi intii ay socdeen weerarrada ama wax yar un kaddib markii ay weerarradaasi dhaceen.

Arrintan ayaa haatan un shaaca laga qaaday, iyadoo ay wali socdaan baaritaanno la soo gabagabeeyay 12-kii bilood ee u dambeeyay.

Sarkaal u hadlay waaxda DFID ayaa sheegay in mar walba ay jirto khatar ama halis la filan karo in lagala kulmo meelaha ay colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya oo kale oo ay hay’addu ka howl gasho.

 
Daafeet.Com