Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah ayaa ku guuleystay orodka dheer ee 10,000 oo mitir tartanka adduunka eek a dhacaya magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.
Faarax oo u orda dalka Britain ayaa jabiyay rikoorkii ciyaaraha 10,000 ee mitir ee caalamka u yaallay ee uu dhigay orodyahanka reer Itoobiya Ibraahim Jeylaani, kaddib markii uu ku orday 27 daqiiqo iyo 21.71 il-biriqsi.
Ciyaaryahankan Soomaaliga ah ee u orda Britain ayaa sheegay in tababar adag uu u soo galay inuu heerkan yimaado, uuna qoyskiisa muddo ka maqnaa. Isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ciyaaraha dunida heerkan ka gaaro.
Daafeet.Com