Re'iysul wasaare Saacid oo ka hadley wixii u qabsoomey xukumada uu madaxda ka yahay

0
46

sacidRa’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukumadda uu madaxda ka yahay muddadii ay jirtay, isagoo xusay in waxyaabo badan ay ka qabteen dhibaatooyin ka taagnaa magaalada Muqdisho.

Mudane Saacid ayaa sheegay in sidoo kale ay ku guuleysteen inay xiriirkii caalamiga ah ee Soomaaliya ay la lahayd dalalka dunida ay soo celiyeen ayna ku guuleysteen in dowladda Soomaaliya la aqoonsado.

Qaadista isbaarooyinka ayuu sheegay inay ku yimaadeen dadaallo badan oo ay sameeyeen, isago sidoo kale sheegay inay wax ka qabteen ammaanka guud ee Muqdisho oo uu sheegay inay khatar dhinaca ammaanka ah ka jirtay markii ay xilka wareegayeen.

Waxaa kaloo uu ka hadley Siyaasadda arrimaha dibadda isagoo sheegay in horumarro waaweyn ay xukuumaddu ka gaartay soo celinta xiriirka u dhexeeya Somalia iyo caalamka, wuxuuna xusay in dadaallo badan oo la sameeyay ay taasi ku suurogashay, balse aysan ahayn mid iska timid.

Mar uu ka hadlay dhinaca dhaqaalaha ayuu sheegay inay xakameysay sidii loo xadidi lahaa daqliga dowladda kasoo gala gudaha, isagoo sheegay in bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay dowladdu kasoo heshay gudaha ay ahayd laba milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Daafeet.Com