Shirkii Gacan ku Rimiska ee lagu dhex dhexaadinaayey beelaha Biyamaal iyo Habar Gidir oo lagu kala dareerey

11
170

markaWaxaa lagu kala kacay shir ay qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha dawlada federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa arrimaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen odayaal beeleedyo, xildhibaano iyo saraakiil dawlada ka tirsan ayaa ujeedkiisu ahaa in dib u heshiisiin loogu sameeyo beel degta degmada marka ee gobolka shabeelaha hoose iyo mid dooneysa iney xoog ku degto.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka caddaalada C/laahi Abyan Nuur ayaa furay shirkan oo mudo ku dhow hal usbuuc ka socday magaalada Muqdisho.

Beelaha Habar Gidir iyo Biya-maal ayaa isku haysta lahaanshiyaha deegaano badan oo dhaca gobolkaa Sh/hoose gaar ahaan magaalada Marka Cadeey.

Maalintii shalay oo ahayd in la soo gababeeyo shirka ayaa shir guddoonka waxay soo bandhigeen in heshiis ay wada saxiixdaan Biyamaal iyo Habargidir, kuna dhaqmaan wixii hadda ka dambeeya, waxaana qodobadii la soo bandhigay ka mid ahaa:-

1- In maamul ay ku waa jiaan beelaha deegaanka la dhiso.
2- In mudnaanta koowaad ee gobolka, gaar ahaan caasimadiisa oo ah degmada Marka la siiyo beesha Biyamaal oo u badan deegaanka.

Haddaba markii la keenay qodobadan oo waraaqo ku qoran ayaa waxaa booday odayaashii ka socday beesha Habargidir oo sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin qoddobada la soo bandhigay, ayna ku jirto kala sarreysiinta qabiilada.
Suldaan Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa odayaasha Habargidir ayaa sheegay in qodobka ah in beesha Biyamaal ay mudnaanta koowaad yeelato ay tahay wax aan xaqiiq ku saleysneyn.

“Magaca Marka Caddeey Minan Aw Cismaan ee aad maqashid waa “Aw Cismaan” Sheekhaal oo an nin Hawiya ah.” ayuu yiri Suldaan Xaashi.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay odayaasha beesha Biyamaal ayaa ku eedeeyay xildhibaanada beelaha iyo labada wasiir inay faragelin ku hayaan shirkan isagoo sheegay in beesha Biyamaal aysan ku qanacsaneyn shirkan iyo qaabkii uu u socday.
Sidoo kale ugaas ka tirsan igaasyada Beesha Shiikaaleed ayaa isaguna sheegay in beesha Biyamaal kaliya aysan u xaq lahayn gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba arintu ha ahaatee gobolka shabeelaha hoose ayaa noqdey gobol ay ku baratamaan kooxo kasoo kicitamey gobolada dhexe ee dalka somaliya gobolka shabeelaha hoose ayaa ah gobol ey degen yihiin intiisa badan Digil balse ay marqaati ka yihiin siyaasada dhul boobka ee ka socota gobolka.

Gobolka shabeelaha hoose ma sareedo aan loo kala sokeyn baa misane yaa is kaleh oo deegaanka ku magacaabin waa kuwa isku heysta hal beel oo degta deegaanka iyo kuwa kale oo raba iney boob ku yimaadaan.
Daafeet.Com

 

11 COMMENTS

  1. waxan idin sheega oo xaqiiqa ah magalada marka waxa iska leh kow beelaha banadiriga iyo biimal cidkale oo shaqo kuleh majiro awcusman sheekhal ma ahan ee waa yemen wuxu kuduganyahay caden yan lagu sirmin banadiriga marka degen ee loyaqan 12kakofi iyo bimal waxey lamidyihin labada beel xamar loguyid reer xamar iyo xamardaye abgal kansedexad waa mursade taad ayaa cadalad ah xooga haliska dhafo

  2. Walaalaheena Awdigil fadhigiina iney wax idinku yimaadaan ayaad sugoosiin lkn taasa haku tashanina waayo H/gidir Afgooye ayey heysataa maad wax ka dhahdaan wlh Deris la’aan ayaaa na heysa afgooyo Kula dirir iska celi Degmooyinkaaga kasoo xurey inaga iyo Digil isma diidi karno oo ilaah baa Deegaan naga dhaxeysiiyay, H/gidir maanta ku doodeyso Awcumaan waa shiiqaal hawiye waxey Biimaal ka waysay irir ayaan isla nahay ee faraha naga qaaada hawiye ayey usoo daadegtay Shiiqaal gendershi iyagaaa runta ogaaan doona ee Plz H/gidir Iska dhicin bey rabtaaa Marko in laga soo saaro oo ay afgooye joogto Sharaf inooma ahan aan is garab qabsano KAAMA ROORAAYO HA ROONIN RUUX RABIYAA GOOYO HA ROORIN hadalada xanafta leh iska daaya reer awdigil dagaalka nala gala mahadsanidiin

  3. marka hore waxan rabaa in aan xaqiiqada marka oo laiskuheysto cida iskaleh iyo cida kale marka hawiyo malahan qofka ayleeyihin waa hawiya waa aaw cusman waxba kama joro awcumanka hawiye iskadhafe somaliba ma aha waa yemen xata marka makudukna cadan ayukuduuganyahsy meel ladhoho sheq cusman ee mesha laleeyahay waa kuduuganyahay riyo keliya ayalaguarkay waaqurafad eemarka dadka loogayimidey waa 12ka koofi ooah giwigcdka ama banadiriga iyo biimal labadan keliya aua marka kahadli karo waa sida xamar ookale oo kahadlikara keliya reer xamar iyo reer matan oo abgal ah xamar iyo xamardaye iyo giwil cadka marka iyo biima marka daye

  4. nin daad qaaday xumbo cuskaye iga dheh gobolkaan waa gobol digil iyo biimaal ay iska leeyihiin iyo weliba dadka banaadiriga inta kale marti ayay ku yihiin

  5. marka ugu horeysa scw salaan kadib walalayaa waxaan layaabanahay arimahaan kasocda gobolka sh.hoose qoomiyada reer aw digil ma,martibay kayihiin mise ?
    hashaan maankeyga gadeye ma misaarbay liqdey

  6. biimaal dagaalka waa bilaawdeen lkn mar dhow waji cusub ayuu yeelanaayaa oo idinka oo kaliya la idinku fiirsan maayo waayo hadalkii imaamka habargidir beel weynta dir meel kasta oo joogaan way maqleen jawaabtiisa way helayaan mar dhow.
    caalamka oo dhana meel uu nin dir ah joogaba abaabul iyo diyaar garoow dagaal dabadheer ayaa ka socda.
    reer awdigil haday ka faaiideysan waayaan fursada maanta ay haystaan ayaga ayaa mar kale gumeysi habargidir dib u gali doona.

  7. Aniga waxan layabanahay webkan marwalbo xumanta naga radsanayo, aamusnantena ha u maleynin inan la idin la socönin. Manta waxad so qorten beel dagan marka kaliya, hada kahor jeneral wafow oo kahadlay isbaroyinka ayad ku shegten “isbaroleydi o ka cabaneyso isbaaro”
    dabkad shidaysan iyo cuqdada feraha idinka madobeysay waxad kuqaadan an aragno. Bimal hadu marka le kadago gobolka iyo hadi kale markad indhaha kala furtin ayad arkeysin.

  8. waa idin salaman tihii dhamaan aqyaarta oo dhan hadii aan ka dhibto fikirkeega oo aan ka hadalo dhabta habar gidir hadii aad waxa walbo loo dhafo walaahi idiin madhafo waxaay ubaratay in ay ku noolato dushiina si xaraan ah.mamaulka sh. hoose waxaa iska leh digil, biyaamaal ,shiiqaal, aw cusmaan yamanka yimid shiqaal ma ah waa dar dar xaquuda dadka shiqaal ee iska dayaaa dulmiga

  9. Shabeelaha Hoose waxaa deegaan asal u ah qabaa’ilada kala ah:
    Digil, Biimaal, Banadiri (12 koofi), Shiikhaal Jaziira, Shiikhaal Gendershe, Xintire, Wacadaan, reer Baraawe, iyo Jareer-weyne. Inta kale waa marti edeb leh iyo kuwo boob ku socda. Aw Cismaan waa shikh Carbeed lagu siyaarto Marka. Waxuu ku duugan yahay Yemen (Cadan). Habargidir hal ma laha, ma garanayo haddii haadan indho cade ay sheikh ka dhiganayaan, ka dibna ay ku magacaabi doonaan Marka Cadeey minin waryaa indho cade. Allah ka baqa xooga iyo boobka iska dhaafa. Haddii xoogiina wax tari lahaa Abdullahi Yusuf intaasi idinkama soo reebeen.

  10. Arey bimalow ma marantihin dir nimo aya nisodhaweynay mahada ayat rabtan aqliga hawiye inat faragashatan nabe inat hargeyso galeysan arey joga wat nirontahaye hadi habar gidir tabatan ana kugu firsama nabe hirab karor hirab uror ar wahokte hubka ken ame kadhacda

Comments are closed.