Degmada baydhabo ayaa ee gobolka bay ayaa maanta waxaa lagu qabtey Kulan looga hadlayay ammanka gobolka, kaasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada, waxgarad iyo aqoon-yahanno kasoo jeeda gobolkaas.
Mas’uuliyiinta degmada Baydhabo ayaa sheegay in gobolka Bay ay qaybo ka mid ah ka taliso Xarakada Al-shabaab, ayna soo weeraraan habeen walba degmada, iyagoo sidoo kale sheegay inay jiraan isbaarooyin qaybo ka mid ah gobolkaas u yaalla ciidamada dowladda Soomaaliya.
Shiino Macallin wuxuu sheegay in taasi ay ka daran tahay in isbaarooyin fara badan ay degmada Baydhabo iyo degmooyinka ku dhow u yaalaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, taasoo gaadiidka looga qaado lacago badan.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo, C/qaadir Sheekh Cali Barako oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysatada dadka reer Baydhabo iyo kuwa kale ee gobolka ku nool ay tahay isbaarooyinka u yaalla ciidamada dowladda oo lacago ku dhawaad hal milyan oo shillin Soomaali ah looga qaado gaadiidka isaga goosha gobolka iyo gobollada kale ee dalka.
Daafeet.Com