Dhegeyso:- Afhayeenka Alshabab C/casiis Abuu Mascad oo shacabka Muqdisho digniin u direy

1
50

Abuu mascabAfhayeenka howgallada ururka Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa hadal uu siiyay warbaahinta afkooda ku hadasha wuxuu uga digay shacabka Muqdisho ku nool inay u dhawaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay leeyihiin Muqdsiho iyo weliba xarumaha hay’adaha gargaarka oo uu ka xusay kuwa UN-ka.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhowr jeer oo hore uga digeen inay u dhawaadaan goobahan, wuxuuna hadalkiisa ku sheegay inaysan doonayn in weerarradooda ay dhibaato kasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed.

Afhyeenku ma uu sheegin inay weerarro la damacsan yihiin xarumahaas iyo in kale, wuxuuse xusay inay mar walba ka fogaanayaan inay shacabku wax kasoo gaaraan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda, kuwa gacanta siinaya iyo weerarrada ay la beegsanayaan xarumaha hay’adaha gargaarka.

mascad

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. asc. waxaan rabaa inaan u jawaabo ninkaan afhayeenka isku sheegaayo adiga iyo kan qaldaanka godane la’ leeyahay iyo midka cali dheere la’ leeyahay hadaad geesi yaal tihiin dharka naagaha aad soo gashaneesaan iska dhiga oo hadaad dagaal galeesaan shicibka ha u booteenina shiciboow maxaa idinku dhacay ka kaca fadhiga oo wax iska celiya alshaydaanka.aniga waxaan qabaa alshaydaanka in lagubo ayagoo nool ama lion lasiiyo walaahi maxaa yeelay waa cadowga muslimiinta dadoow aniga wa kaas fikradeeda kii alshaydaan oo xamar ama all Somalia wax ka suubiya igama fakaneesid hadii soomaaliya oo dhan ku cafiso aniga xageega waa ku foorneenaa adigoo nool.

Comments are closed.