Ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabab ayaa maanta ku dagaalamey deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool dagaalkan oo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 7 Ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 10 Ruux oo intaba ah dhinacyadii ku dagaalamey.
Daagaalkan ayaa sheegay inuu qarxay markii ciidamada dowladdu ay weerar ku qaadeen deegaankaas, balse weli waxaa deegaanka gacanta ku haysa Al-shabaab.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ayaa weli ka socda degmada Ceelbarde iyo degmada Xudur oo saldhigyo ay ku kala leeyihiin Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaankaas iyo deegaanno kale oo ay labada dhinac kuwada sugan.
Daafeet.Com