Howlgalo lagu sugaayo amaanka oo xaley laga sameeyey Degmada Beledweyne

0
64

beledweyneHowlgalo lagu sugayo amaanka ayaa xaley waxaa ey ciidamada boliiska ee magalada Beledweyne  xaafado ka tirsan degmada Beledweyne halkaas oo ey kusoo qabqabteen in ka badan 40 Ruux.

Taliyaha saldhigga booliska Beledweyne Cali Cabdi Mahad-Alle ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii lagu soo qabtay howlgalka dib loo sii daayay ka dib markii lagu waayay wax dambi ah, halka 10 kale wali ay baaqi ku yihiin saldhigga ciidamada booliiska, kuwaas oo baaritaanno lagu wado.

Dadka lagu soo qabtay howlgallada ayaa lala xiriirinayaa falal amni darro oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Howlgaladan laga sameynayo degmada beledweyne ayaan aheyn kuwo cususb ayadoo degmada ey ka dhacaan waxoogaa amni daro ah mararka qaarkood.

Daafeet.Com