Guud ahaan dadka Asal ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay mudo dheer ka aamusnaayeen misna dulqaad badan ay u hayeen falalka Waxashnimada iyo garasho engega ku dhisan ee ay koox beeleedyo abaabulan ay gobolka iyo dadkiisaba ku hayeen.
Kooxahan beelaha duulaanka oo qaab-mooryaaneed abaabulan gobolka ku soo galay ayaa waxay u xuubsiibteen in uu gacanta u galo guud ahaan maamulka gobolka,Kaasi oo leh dhamaan haykanka maamulka sida Deeqaha gobolka la siiyo oo ay NGO-yo u samaysteen,Deegaanada(dhulka) sida xaqdarada ah loo degaayo ama loo sheeganaayo iyo Mid haatan soo shaac baxday oo ah sheegashada deegaanka amaba in la macmalo Abtirsiimo si deegaanka wax loogu yeesho.
Akhristaha Sharafka iyo qiimigaba mudanow ma ahan dhibta gobolkan Shabeelaha hoose lagu hayo mid bilowday xiligan dagaalka sokeeye balse waa mid la taaba qaaday Xoriyadii dalka iyo Dowladii ka danbeeyay.
Tusaale ahaan beesha Habargidir waxay xusul duub ugu jirtay in ay deegaan ku yeelato gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan caasimada magaalada Marka ka hor xiligii daakhiyada iyadoo qoysaskii ugu horeeyay ee Habargidir ah halkaasi uu soo dejiyay Isticmaarkii Talyaaniga kuwaasi oo loo keenay dhismaha Kaniisadaha iyo Xamaaliga dekeda magaalada Marka kadibna ay degeen magaalada oo ayan dib ugu noqon halkii laga keenay iyo Mudug.
Sidaasi si la mid ah ayaa waxaa magaalada Marka iyana u soo Xiroobi jiray(Wax-barasho Diini ah) shaqsiyaad raba inay Diinta wax ka bartaan kuwaasi oo kasoo jeeday isla beesha Habargidir haba u badnaadaane reer Cadaado gobolka Galgaduud.
Hadaba labadan qaybood oo aan marnaba dib ugu noqon goboladoodii ayaa waxay markii danbe iska deegaameeyeen gudaha magaalada Marka iyadoo sida ay haatan qaar badan oo ka mid ahi ay ku doodayaan inay yihiin deegaan.
Arimahan Dhulboobka ah ee ay Habargidir iyo Xulafadeeda kula keceen dadka iyo deegaanka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa gacan weyn ku lahaa gumaystihii Talyaaniga iyo Dowladihii dalka isaga danbeeyay oo garab ku siiyay Habargidir inay dadka iyo dhulka gobolkuba ay boobto taasi oo Dowlada Talyaaniga ilaa iyo maanta ay NGO-yada Habargidir ku naasnuujinayso magaalada Marka gudaheeda.
Akhristaha Sharafka iyo qiimigaba mudanow waxaa dhegaheena 23sano ee ugu dambeeyey ka batay ereyga ah (bililiqo) oo micnihiisu yahay (dhac iyo boob) lagu xalaaleysto hanti qof kale uu leeyahay, Hayeeshee waxaa ka sii daran oo aan marnaba la qaadan karin marka aad maqasho (Bililiqo Abtirsiimo) oo ah iyadoo la bililiqaysanayo dhalasho dad leeyahay si loo gaaro ujeedo guracan. Falalkan guracan ee beesha Habargidir ay ku doonayso inay Abtirsiimo ku Bililiqaysato ayaa waxaa ka mid ah inay si khaldan u isticmaasho Magaca iyo Mansabka Caalimka weyn ee reer Markood ahee layaano ee Aw-cusmaan (Sheeqaal) inuu yahay Hawiye sidaa daraadeedna magaaladu ay magaalo Hawiye tahay waa yaabe haday magaaladu tahay magaala Hawiye Habargidir yaa u wakiishay? oo mee Hawiyihii kale!waana yaabka yaabkiise ma Aw-Cusmaan Faqi Cumar ayaa galey maanta Madarkicis(Habargidir)?Mise Marka Cadeey Minin Aw-Cusmaan ayaa inta la BOORDHABAY laga soo saaray Marka Cadeey minin Aw-Habargidir?
Hadaba waa maxay ujeedada ka dambeysa waxaan oo Qori is maris ah oo ay Habargidir dhisayso? dhul boob,xukun doon,mise…..?Beelaha usoo qaraab tagay boobka dadka gobolka Shabeelaha hoose kuma koobna oo kaliya beeshan aan soo xusnay ee Habargidir balse waxaa jira beelo kale oo iyaguna qaab Indhasarcaad aan ku tilmaami karo gobolka ku jooga kuna boobaya dadka iyo deegaanka waxaana ka mid ah beel ka soo jeeda Kilinka Shanaad ee dalka Itoobiyaoo lagu magacaabo Reer Aw-Qutub oo dhulkooda waa Itoobiya ee looga yaqaano Ogaadeen Jimco dhashay oo la micna ah inay yihiin Ogaadeen balse maalin barakaysan oo Jimce ah la dhalay sidaasina ay ku yihiin dad la barakaysto sida Shiikhaasha iyo Asharaafta hadana dadkaas iyaga ah waxay sheeganayaan in ay yihiin ilmo Faqi Cumar oo sida Habargidir si lamid ah boob aan xishood laheyn ka wada deegaanada gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan inta u dhexeysa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ilaa magaalada Marka gaar ahaan dhulka xeebta ah laga bilaabo Xeebta Jasiira,Aw-baa Xasan,Aw-Maki,Gendershe,Moortamoorta,Dhanaane,Jilib Marko ilaa Buufoow.
Beelaha dega gobolka Shabeelaha hoose ayaa sida beelaha kale ee Soomaaliyeedba ay qaab deegaanoodkoodu isu yaqaanaan ayaa iyaguna waxay isu yaqaanaa min tuulo,degmo iyo weliba Asal-ahaan abtirsiimadooda iyo deegaanadooduba waxayna kaalin hormuudnimo kaga jireen dagaalkii lalagalay Isticmaarkii Talyaaniga oo sida la wada ogyahay magaalada ay maanta dooda gelinayaan labadan beelood ee Marko dadka deegaanku ay Isticmaarka Talyaaniga u diideen inuu cagta soo dhigo in ka badan Toban sano kadibna dagaalo taariikh reebay ay Talyaaniga kaga saareen gobolka.
Waa iga su’aale Beesha Habargidir iyo Qudub dad ma uga dhinteen ka xorayntii Talyaaniga gobolka oo Kali Asayle dadkii lagu gumaaday xitaa naag ma uga jirtay?Jawaabtu waa Maya.
Iyadoo taariikhda gobolku ay sidaa u cadahay ma waxay labadan beelood iyo kuwa la midka ahi rabaan inay dadka gobolka qaab Qori -Ismaris ah ku boobaan sida Falastiin 1947-dii dhulkooda loola soo degay 1967diina la xalaaleystay oo kale miyay anaguna nala rabaan inay na duldhigaan 1993 duulaanka soo degida Shabeelaha hoose ay soo degeen 2013kana uu noqdo sanadkii Xalaalaysiga taa mashaqeyneyso waa sababta dagaalada ay u joogsan la’yihiin ee beelo yahow garashadu gurtay aan idiin xasuusiyee Ogaada”Ninkii dhoof ku yimid-baa geeridu dhibeysaa”.
Caburinta,Barakicinta,Xalaalaysiga iyo garabsiinta kooxahan dhul boobka iyo Abtirsiimo doonka ahiba waxaa qayb weyn horay ugu lahaa maamuladii dalka kasoo jiray ilaa gumaystihii Talyaaniga sidaasi si la mid ahna waxaa ilaa maanta gacan weyn ku leh dhibaataynta ummaddan gobolkan Dowlada hada jirta oo iyada xusul duub ugu jirto sidii kooxahan ay gacan ugu siin lahayd inay Boobaan ummadda Asal ahaan u leh deegaanka gobolka Shabeelaha hoose.
Akhristaha Sharafka iyo qiimigaba mudanow bal ila fiiri habka iyo hanaanka Mas’uuliyiinta Dowlada iyo Warbaahinteeduba ay u wajaheen dhacdooyinka gobolka ka dhacaya ee looga soo horjeedo beelaha Boobka.
Sida aan wada ognahay waxaa gobolka haatan ka socda Dagaal iyo Diidmo loogaga soo horjeedo haraadiga Dhul iyo Abtirsiimo boobka ah ee xooga ku haysta gobolka kolkasta oo ay dagaaladaasi dhacaan ayaa waxaa warbaahinta Dowladu sheegtaa in deegaan ka mid ah gobolku ay ku dagaalameen laba Beelood oo walaala ah oo wadadega deegaankaas waayaabe goorma ayaan Habargidir wadadegnay gobolkan kasii yaab lehee xagaynu ku walaaloownay oo ma waanay Gumaysi madow ku ahayn gobolka?.
Sidoo kale ayaa dhankooda Mas’uuliyiinta dowladuna waxaan ku doodaan inay heshiisiinayaan laba beelood oo wada dega oo ku dagaalamaya gudaha gobolka taasi oo ah wax laga yaq-yaqsoodo waxaana leenahay wax wada dega oo dagaalamaya majiraan ee waxa dagaalamaya waa beelaha wada dega gobolka iyo huwanta dhul iyo Abtirsiimo boobka ah ee ku soo duulay waxaana sidoo kale aanay marnaba xaq u lahayn dowladu in ay gogol u dhigto Biyomaal iyo Habargidir oo labada wasiir ee dowlada ugu jirta in ay go’aan ka gaaraan mushkilada gobolka ee waxaa go’aanka uu ka go’aa dhamaan beelaha dega gobolka Shabeelaha hoose maadaama dhibta taal gobolku ay ka dhexeyso beelo soo duulay iyo kuwo lagu soo duulay.
Marka waxaa in la isweydiiyo mudan dowlad xal caadil ah ka dhalin weyday meel Qasriga ay fadhido(Villa Somalo) u jirta 13.2 malaga sugi karaa in dal weyn sida Soomaaliya ay xal u keento?Mise dhaartii iyo balamadii ay mas’uuliyinta dowlada oo madaxweynaha u horeeyo waxay ahaayeen(Dhego mise Xagaa) oo feeri ogaa aaway ra’iisal barlamaankii? ra’iisalwasaarihii? meeye xildhibaanadii? aaway odayaashii? mise dowladii ayaa waalatay (bukootay) oo daawo u baahan? waxaan ugu dambeyntii ku soo gabagabeyneynaa qoraalkaan gobolka shabeelaha hoose wuxuu u baahan yahay, sidii ay dowlada ku timid odoyaal dhaqameed,ka dib xildhibaan,ka dib gudoomiye baarlamaan,madaxweyne,ra’iisal wasaare ugu dambeyntii gole wasiir sidaa si lamid ah odoyaal dhaqameedka dega gobolkuna iyaga doortaan cidii maamuli lahayd sida gudoomiyaha gobolka,kan degmada ilaa tuulada oo wixii ay doortaan oo ay idiin keensadaan aad u magacawdaan sida lagu balamayba.
Aadna Xaqa mar u hiilisaan oo beelaha Boobka oo ay Habargidir u weyntahay aad dhulka iyo dadka ka qabataan.
W/Q Abdiaziz ShSalah.
Asc c/casis shiikh saalax halyeey baad tahay sxb, dadaal badana waad wadaa anagana garabkaaga ayaan taganahay hadaanu nahay reer Shabelaha hoose, waa jeclaan lahayn emailkaga inad kusoo qortid mesha si xiriir fiican uu idiin dhexmaro adiga iyo inta danaynaysa dhaqdhaqaaqa gobolka oo aan aniga 1 ka ahay
Hawar gidir iyo shiiqaal iyo ogaadeen sh.hoose wax kuma lahan dhulaka digil iyo mirifle ayaa iskale ciddii laku arkaa waa loodhameena aan katirsaneen digil & mirifle
cidaan ma hareyso wa in lala dagaalamaa wa dad dagaal aaminsan iyo boob .dhac iwm ,dadka rer sh-hose wa iney u midaynaadan cadowga..
waxwalbo markii lagabaxay hadana waxa layiri marka hawiya iskaleh waxey dhehen awcman xasan waa nin shiqal ninki noolow maxa arakti kuu laban waxan idin shega marka murun marna magelikaro laakin dakii laha oondagal jeclen ayaa markan dagal kuqsbanyihind marko dadka iskaleh weli waa degenyihin waabiimal 12qawil oogiwilcad iyo gare qofki dhaho marko awcusmana iskaleh yaan lagugu qoslindheh awcusman hawiye iskadhaf somali ma aha manaiman weligismana kudukna ee ilah halaga cabsado xamara laxogay marka kuxigtay waxalasugoyo waa barawo
war kuwaan xoolaha ah oo daba dhigtay hawiye iyo habargedir wallee waxaad lamid noqoneesiin ninkii soo jog laga waayay hadana libaaxyo hoosta kagalay meeshaasaana uGu war dambeesay ninkaas marka waxaan idin leeyahay idinka biyo maal dhulkaas marko idinka iskama lidihiin waa dhul hawiye baq baq da aad wadaan hadaad joojin waysaan idinka iyo aylayda inaad Kenya iska dhiibi doontaan kuligiin dhulkaas aad sheegtayna waa dhul hawiye.
c/casiis sh.saalax nabadoon somalida hadii ay mar walba mowqifka taagan runta sidan oo kle uga sheegi lahaayeen somaliba ma aysan burburteen…Alle garabkaaga ha galo..raggga adiga oo kle maskaxdooda iyo baraarujintooda waa loo baahan yahay maqaaladana noobadi ..thnks
mukhdheere habar gidir markay dhibaato dareento ayey hawiye noqotaa sida lawada ogyahay..maanta hadii ayba magaca hawiye soo xasuusteen wa Alx…soo ma ahayn marka dagaalka 4biloodka walaalkaa hawiye ah aad ku heysatay muqdisho…mise hawiyenimada waa shaaati marwalba leyska bedeli karo…abti somali wey idin wada aragtay biimaalse waxba ka cuni meysaan ee isku soo tashta..xabad hadey bilaabatana cid ay la dhalatay ma jirto..mana jirto qof korkiisa uu bir yahay oo xabada aysan kareyn midaas lasoco…
Shiiqaal Gendershe waa Dad ka soo jeeda Gobalka Sh/Hoose gaar ahaan Degmada Marka Cadeyy Minin Aw-Cusmaan xitaa waxaa la sheegaa Biimaalka in ay dejiyeen Shiiqaal Gendershe ayna ahayeen dad klaawda adagaalamay Talyaanigii ahna dad walaalo ah balse habargidireey/ceyrow maxaad ku leedahay Sh/Hoose!!!
Comments are closed.