Ra'isulwasaare Saacid oo kulan looga hadlaayo amaanka la qaatey qaar ka mid ah Wasiiradiisa

0
70

abdi shirdomRa’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kulan soconayey 5 saacadood la qaatay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Axmad Xasan, Wasiir kuxigeeno, Taliyeyaasha Ciidanka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariin waxaana uu sheegay in kulankan gebi ahaanba looga arrinsanayay sugida amaanka dalka, iyo howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ciidanka amnigu sameeyeen kuwaasoo laga gaaray horumaro dhanka la dagaalanka kooxaha nabadiidka iyo weliba unugyo isku xiran oo ku howlanaa qal qal gelinta amniga shacabka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in warbixino cad cad ay hay’addaha amnigu ka soo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib tiro kuwa weli dhuumaaleysiga ku jira. Waxaana uu sheegay in degmooyinka howlgaladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamarweyne, Xamarjajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir isaga oo tirada guud ee kooxahan qaswadayaasha ee gacanta lagu dhigay ay dhan yihiin 39 xubnood.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay Wasiirada iyo saraakiisha amniga ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo is daba jooga ah oo uu la qaadanayay todobaadyadii ugu dambeeyey hay’addaha amniga kuwaasoo uu kula xisaabtamayay xaqiijinta amniga iyo xasilinta.

Daafeet.Com