Xukuumada Somaliya oo ka jawaabtey hadal kasoo yeerey Kooxaha Dowlo Diidka ee ku sugan Neyroobi

1
50

somaliWasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta ee xukuumada Somalia C/shakuur Cali Mire ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo kala duwan oo uu dowlada u soo jeediyey Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka tirsanaa raisul wasaarayaashii soo maray dowladihii KMG ah.

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo habeen hore ka hadlayey kulan ka dhacay Nairobi ayaa ku eedeeyey dowlada waxqabad la’aan dhinac walba ah, iska horkeen beelaha qaarkood, cadaalad daro iyo eedeymo kale.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta ayaa hadaladaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo laga leeyahay ujeedooyin gaar ah oo guracan, kuwaasoo uu sheegay iney dhan ka yihiin danaha ummada Soomaaliyed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyed iyo beesha caalamka ay qirsan yihiin waxqabadka iyo horumarka ay dalka ku soo kordhisay dowlada Somalia, shaqsiyaadka ka been sheegeyna ay doonayaan iney qorax duhur taagan ku qariyaan sacabadooda.

“Dowlada Somalia waajibaadkeeda qaran ee dastuuriga ah sidii loogu talo galay ayey u gudataa, waana la yaqaanaa shaqsiyaadka wada qabyaalada ee doonayaa iney ummada Soomaaliyed barakiciyaan.” ayuu intaa ku daray wasiirka.

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.